Hay’adda Wadaniga Ah Ee YOVENCO Oo Dayactirtay Dugsiga Xaaji Yuusuf Ee Go’dawayn

 

Dugsiga Hoose/Dhexe ee Xaji Yusuf Iimaan oo ku yaala magaalada goda-weyn  kana tirsan degmada sheekh ee gobolka saaxil waxa uu ka mid yahay  dugsiyada  ka faa’iidaystay mashruuca waxbarashada ee Education in Emergency (EIE) mashruucaasi waxaa maalgaliyey haayada arimaha caruurta u qaabilsan Qaramada midoobay ee UNICEF, isla markaana waxaa fulinayey haayada wadaniga ah ee YOVENCO.

Dugsigani waxaa hareeraha ka xiga deegaan aad u balaadhan oo ay ku dhaqan yahay dad iskugu jira xoola dhaqato iyo beeralay wax ku beerta biyaha roobka ee wakhti roobaadka, dadkaasi oo mid ah dadyowga ay sameeyeen abaarihii baahsanaa ee dalka ka dhacay. Dugsigani wuxuu kaga faa’iidaystay deeqdii lacageed ee uu saamiga u helay dayactirka afar fasal iyo laba suuli, biyo dhaaminta

ardayda,nusasaacaha ardayda, qalabka nadaafada dugsiga, gunada laba macalin, dayactirka kuraasta iyo miisaska ardaydu wax ku barato, waxay soo iibsadeen qalabka laydhka ee soolarta iyo dhismaha qayb ka mid ah fasal lagu kordhinayey dugsiga.

mashruucani waxaa weeyi inuu taageero waxbarasho oo ku haboon la siiyo caruurta ay soo barakiciyeen abaaraha, duufaanada iyo colaadaha sokeeye. Sidaasi daradeed waxay taageero u fidisay Haayada qaramada midoobay ee UNICEF iyadoo kaashanaysa Haadayada wadaniga ah ee Yovenco 33,585 arday oo ka mid ah ardaydii taageerada waxbarasho ka helay haayada UNICEF abaarihii dalka ka dhacay 2017. Sidoo kale waxay haayada UNICEF  taagerada waxbrasho u fidisay 6480  arday oo cusub oo ay ka mid yihiin (2916 hablood) iyadoo awooda la saarayo 36 dugsi oo ka tirsan deegaanada ay masiibooyinku saameeyeen ee gobolada Saxil, togdheer iyo Maroodi jeex.

Hadaba waxa ay fulinaysaa haayada wadaniga ah ee YOVENCO  iyada oo ku shaqaynaysa siyaasada Wasaarada Horumarinta Waxbarashada ee Soomaalilaan mashruuca lagu taageerayo ardayda ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo ardayda dhigata dugsiyada mashruucan laga hirgalinayo ay    heli doonaan deeq lacageed oo dugsi waliba ku isticmaali doono baahiyaha ugu muhiimsan ee ka jira. Sidaasi oo kale waxqabadyada mashruucan waxaa ka mid ah Tababarada gudiyada waxbarashada, kormeerka dugsiyada,  dardargalinta nadaafada iyo fayo-dhawrka iyo wacyi gelin ku saabsan in ardayda la keeno dugsiyada waxbarashada.

 

Exit mobile version