Ku Eedeysane Dambile Dagaal Mise U Sharaxane Madaxweyne Dawladgoboleed!

Gobolada Waqooyi ama Somaliland oo qudha ma aha meelaha loo hayo cadeymaha xasuuqa balse waxaa uu xasuuq ka geystey dhanka koonfurta oo ahaa
General Maxamed Siciid Morgan waxaa la gudboon inuu is qariyo oo uu ka dhuunto wajiga siyaasadeed ee umada Somaliyeed balse is muujintiisu waxay muujineysaaa in weli dambiilayaashii dagaalkii 1988 ilaa 1999 ay weli firfircoon yihiin oo qaarkood weli hamuum u qabaan sii daadinta dhiiga dadka Somaliyeed,Sida ay yidhaahdeen waxgarad Somaliyeed “hadii aad is qarin waydey ex general morganow filo maxkamad caalamiya!”.

Weli caalamka kama dhicin General ku eedeysan debiyo dagaal,xasuuq iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda  adamaha oo hadana si nabad ah oo

caadi ah u dhex mushaaxaya wadankii uu ka geystey gabool falka.

Gobolada Waqooyi ama Somaliland oo qudha ma aha meelaha loo hayo cadeymaha xasuuqa balse waxaa uu xasuuq ka geystey dhanka koonfurta oo ahaa wasiirkii gaashandhiga ee ugu dambeyey dawladii Siyaad bare,waxaa kale oo uu qayb ka ahaa qabqablayaashii dagaaladii Sokeeye ee Somaliya wixii ka dambeyey Burburkii dawladii Somaliya.Waxaa uu hada ku hanjabayaa in uu hayo qorshe qarsoon oo uu dagaal kaga abuurayo Somaliland gudaheeda sida gobolada Sool iyo Sanaag.Waxaa kale oo jirta in hadaba Jabhad hubeysan oo ku lid ah Jiritaanka Somaliland saldhig laga siiyey Puntland,arimahaasi oo dhami waxay muujinayaan in cadawnimo qorsheysan siyaasiinta koonfurtu qaab abaabulan u wadaan mijo xaabinta Somaliland iyo meelo kale oo ka mida Somaliya gudaheeda.

 

Arimahani waa kuwo u baahan in si cilmi ah oo qorsheysan loo darso loogana hortago dawlada Somalilandna waa in ay dacwad ka dhan ah Morgan iyo Saldhiga Somaliya ka siisay koox ku kacsan Somaliland dawlad goboleedka Puntland u gudbisaa golaha amaanka ee umadaha midowbay.Sidoo kale Dadka somaliyeed iyo hayahah madaxa banaan ee caalimiga ah iyo kuwa muxaliga ahna waxaa la gudboon iney soo bandhigaan dacwad ka dhan ah ex-Gen. Morgan oo xog badan laga qorey inuu geestey xasuuq iyo dimbiyo dagaal oo  loo bahan yahay in uu wajaho cadaalada, Morgan imika wuxuu rajeynayaa in uu isku soo sharaxo jagada madaxweyne ee gobolka Puntland ee Somaliya.

Mahadsanidin dhamaantiin

M J Farah

rashiid64@outlook.com