Johannesburg (GNN) waxa goor dhoweyd dalka Koonfur Afrika ku geeryooday madaxweyne ku xigeenkii dalka Zambia Luanda Mwabi .
Waxaana warkaasi xaqiijiyey Madaxweynaha dalka Zambia oo boggiisa Twitter-ka ku qoray in madaxweyne ku xigeenkii hore eedalkaasi uu ku geeryooday wadanka Koonfur Afrika , halkaas oo lagu daweynaayey muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaanu xaalad caafimaad u yaaley cisbitaal ku yaala dalka Koonfur Afrika muddooyinkii ugu dambeeyey.
Madaxweyne ku xigeenkan geeryooday ayaa xilka madaxweyne ku xigeen la wareegay sannadkii 2004-tii , isaga oo xilkaasi ka degay sannadkii 2006-dii.
Xafiiska madaxtooyadda dalka Zambiya ayaa ku dhawaaqay maalmo baroordiiq ah iyo aas qaran oo loo diyaarinaayo madaxweyne ku xigeenkaasi hore ee dalka Zambia , kaas oo xilkaasi hayey waqtigii uu madaxweynaha ahaa madaxweyne Levy Mwanawasa.
GABILEY.NET