Mareykanka Oo Safiir Cusub U Magacaabay Dalka Kenya

Dhanka kale Mr Godec ayaa yiri aniga iyo xaaskeyga Lori waxaa marwalba jeclaan doonaa saaxiibtimada iyo dadka kenya.

Senator-kii hore ee Mareykanka Kyle McCarter ayaa si rasmi ah loogu magacaabay in uu noqdo safiirka cusub ee dowlada Mareykanka ee dalka kenya kaasi oo shaqada ka badali doona Robert Godec.

Arintaan ayaa waxaa si rasmi ah u xaqiijiyay khamiistii shalay Ambasador Godec oo xilka hayay lixdii sano ee la soo dhaafay, sida ay qortay universaltvsomali.

Godec ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray hambalyo Kyle McCarter xaqiijintaada golaha senat-ka ee safiirka xiga ee dalka kenya waxaan adiga iyo xaaskaaga idinkaga mahad celinayaa mudada lixda sano ah oo aad ka shaqeyn doontaan Kenya.

Dhanka kale Mr Godec ayaa yiri aniga

iyo xaaskeyga Lori waxaa marwalba jeclaan doonaa saaxiibtimada iyo dadka kenya.

Mr. McCarter, oo 56, jir ah ayaa safiirka kenya waxaa u magacaabay madaxweyne Trump bishii maarso ee sanadkii la soo dhaafay

GABILEY.NET
Exit mobile version