Maxa Ka Jira Wararka Shegaaya In Caarre Wada Hadal Xukuumadu La Furayso?.

Hargeysa(GNN)Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa xukuumada usoo jeediyey in wada hadal lala furo Kornayl Caare oo hore uga goostay ciidamada Qaranka Somaliland, sidaasna waxa uu ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaaladda Hargeysa.

Marka laga yimaado baaqan guddoomiyaha xisbiga UCID ma  jiraan warar kale oo lagu kalsoonaan karo oo kazoo baxay xukuumada Somaliland, kuwaas oo cadaynaaya in ay xukuumadu wada hadal la furayso Kornayl Caarre.

Dhowaan ayay ahayd markii ay ciidamo tiro badani kazoo goosteen jabhadda Kornayl  Caare eek u sugan magaaladda Qardho ee maamul goboleedka Puntland