Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Muuse Biixi Uu Doonayo In Uu Kala Diro Golayaasha Deegaanka

Hargeysa(GNN) Dhawaan Ayay Ahyed Markii Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Uu Golaha Guurtida Somaliland Ugudbiyay Waraaq Uu Kaga Codsanayo In Ay Mudo Kordhin Usameeyaan Mudo Xileedka Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.Madaxweynaha Ayaan Golaha Guurtida Ugudbin Mudo Kordhin Loo Sameeyo Golayaasha Deegaanka.

Arintaasina Waxey Bulshada Dalka Ku Abuurtay In Ay Falanqeyn Iyo Doodo Ka Sameeyaan Talaabada La Filayo In Uu Madaxweynuhu Qaado.Dadka Inta Badan Odorosa Arimaha Siyaasada Ayaa Arintan Ku Micneeyay In Ay Suuragal Tahay In Lakala Dirro Golayaasha Deegaanka Dalka.

Cadeynta Ugu Weyn Ee Loo Hayaana Ay Tahay In Laga Reebay Codsiga Mudo Kordhinta Ee Madaxweynuhu Ugudbiyay Golaha Guurtida Somaliland.

Wali Lama Oga Talaabada Dhabta Ah Ee Uu Maxaxweyne Muuse Biixi Ka Qaadi Doono Golayaasha Deegaanka.Lamana Garanayo Sababta Sido Kale Keentay In Madaxweynuhu Ka Reebo Codsiga Muddo Kordhinta Loo Gudbiyay Golaha Guurtida.

Waxana Arintan Sii Dhaqaajiyay Waraaqda Madaxweyne Muuse Biixi Ugudbiyay Golaha Guurtida Ee Nuxurkeedu Xambaarsanaa Mudo Kordhin Loo Sameeyo Golaha Baarlamaanka.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa Jira Fikrado Kala Duwan Oo Ay Bulshada Somaliland Ka Bixinaso  Arintan Iyago Tilmaamaya In Madaxweynuhu Damacsanyahay Inuu Qaado Talaabo Uu  Ku Kala Dirayo Golayaasha Deegaanka.

QORE JACFAR CAWIL HERERI

JACFARKALSAN@GMAIL.COM