Milicsiga Taariikhda Casriga ah Ee Cilaaqaadka Somaliland & England
Sidoo kale, waxa uu isku qanciyey barnaamij uu ugu magac-daray; “Pax Britannicu Pastoral Democracy,” oo uu u arkay inuu barnaamij udub-dhexaad siyaasadeed u ah hoggaaminta Soomaalida iyo nabadeynta dhulkooda.
Sida runta ah intii ka horreysay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, siyaasaddaas Ingiriisku waa la odhan karaa, inay ka-midho-dhalisay Maxmiyaddiisii Waqooyiga Soomaaliyeed (Somaliland) oo ay si gaar ah uga faa’iidaysteen sayladaha Burco iyo Oodweyne, Dekedda Berbera iyo Hargeysa oo uu u igmaday xaruntiisa, waxaanna isla markaana taabo-qaaday dabaqado isugu jira Tijaar iyo hoggaan-dhaqameed suuban oo uu ku qanacsan yahay wada shaqeyntooda.
Markii Dagaalkii Labaad ee Adduunka dhammaaday waxa uu Ingiriisku is-bidayeyinuu yahay guuleystihii labaad marka laga reebo Maraykanka, waxa uu sidii laga filaayey beesha caalamka ula yimi qab laba-jibaaran oo ku aadan xal-u-helidda arrinta Soomaaliyeed oo u dhulkooda gumeystaal fara badan gacanta ugu kala jiro.
Gaar ahaan, Talyaaniga oo uu u arkayey dawlad jabtay oo aan dib-u-hannan karin maamul dhul Soomaaliyeed, waxaannu 16/April/1946-kii si badheedh ah ugu bandhigtay saddexdii qawadood ee guuleystayaasha ahaa; Maraykanka (USA), Faransiiska (France) iyo Midowgii Soofiyat, hindise loogu magac-daray; “Bevan Planning.” Oo uu ujeeddadiisu tahay in dhammaan geyigga Soomaalidu degto la hoos geeyo Wasiilad Caalami ooo uu Ingiriisku toos u maamulo, waanna markii ugu horreysay ee si rasmi ah loo maqlo arrinta lagu jabay ee Soomaali-weyn. Nasiib-darro, saddexdii quwadood ee kale ee uu la arrinsaayey waxay kala yeesheen mowqifyo ka duwan hindisihii Ingiriisku, kuwaasoo kala ahaa;
Faransiiska (France) oo ku yidhi; “Waa in Talyaaniga sidiisii loogu celiyo Koonfurtii Soomaaliyeed.”
Markaykanka (USA) oo yidhi; “Haddii ciddi dib u maamulayso Soomaali waxa ugu habboon Wasiirlad toos ah oo hos timaadda Beesha Caalamka.” Iyo
Midowgii Soofiyat oo isaguna shuruud uga dhigay hindisaha Ingiriiska; “Oggolaansho Boqortooyada Xabashada.” Markaa soo rogaal-celisay oo aan sinaba uga qanacsanayn siyaasiddaas Ingiriiska oo dabcan saamaynaysa Ogaadeeniya iyo Haw doo aanay sinaba u oggolaanayn gacantooda uga baxdo.
Waxa ugu dembeyn si dadban loo qaatay taladdii Maraykanka, iyada oo Koonfurtii Soomaaliya lagu soo rogay Wasiilad Caalamiya oo ay Beesha Caalamka uga wakiil yihiin afar dowladood oo ay ku jiraan Talyaaniga iyo Masaarida, waanna sababta barnaamijkaas Ingiriiska ee Soomaali-weyntu uu ugu dhex milmayo siyaasaddii Qoomiyatul Carab iyo Qawlaysatadii Talyaaniga ahayd ee horeba gacanta ugu haysay dhaqaalaha Koonfurta Soomaaliya.
Sida aynu hore u soo sheegnay waxa la galay sannaddadii kontomeeyadii iyada oo unugyadii siyaasadeed ee Soomaaliyeed ee u horreeyey oo la jaan-qaada barnaamijkii Soomaali-weynta ee Ingiriiska, addana ku dhex milmay afkaarihii siyaasadeed ee waqtigaas socday oo ku salleysannaa xornimo-doon iyo waddanimo, oo adeegsanaya codka siyaasadda Qoomiyatul Carab iyo afkaarta gobonimo-doonka ah ee Qaaradda Afrika.
Waanna sababta xisbigii Somali Youth League (SYL) ee uu Ingiriisku aasaaskiisa lahaa uu haddana ka leexdo jihaddii Soomaali-weyn ee Ingiriisku u ugu talogalay, iyada oo ay qaddiyaddii gobonimada iyo mideynta dhulka Soomaaliyeed ay toos ugu xidhmaan barnaamijkii markaa casriga ahaa ee la magac-baxay; “Pan Africanizm.” Oo uu isna ka dhashay barnaamijkii Soomaalidu ugu magac-dartay; “Pan Soomaalizm.”
Isla sannaddadaas kontommadii waxa uu Ingiriiska ku soo-rogaal-celiyey Maxmiyaddii Somaliland oo uu in dor ah uu daayacay. Sababahaas aynu soo sheegnay awgood, waxaannu isku dayey inuu si kadis ah ula jaan-qaad siiyo Maxmiyadda Somalilad barnaamijka siyaasadeed ee ay ku tallaabsadeen horumarka siyaasadeed Faransiiska iyo Talyaaniga oo uga wakiil ah Beesha Caalamka ee Koonfurta iyo Xeebta Soomaaliyeed:
Kan ugu horreeyaa, waxa uu ku wajahan yahay isku xidhka Maxmiyadda Somaliland iyo Reserve Area oo uu hormood ka yahay Maykal Maryaamo iyo xisbiga National United Front (NUF).
Kan labaadna waxa waajahan yahay iska caabiga xisbiga Somali Youth League (SYL) ee uu ku hungoobay oo uu hormood ka yahay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xisbigiisii Somali National League (SNL).
Labadaas ujeedna midkoodna ma hirgelin oo National United Front (NUF) iyo Maykal Maryaamo waxay hannan kari waayeen shacbiweynihii Reer Somaliland, halka Somali National League (SNL) iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay ku dhex milmeen sidii Ingiriiska laftiisa Somali Youth League (SYL) iyo hawaddii Soomaali-weyn ee Muqdisho ka socotay, waanna sababta keentay asxaabtii Somaliland ay si bilaa-shuruud ah 4/April/1960-ka ay ula saxeexdeen xisbigii Somali Youth League (SYL) Midnimada Waqooyi iyo Koonfur.
Geeddi-socodkaas mugdigga ah ee aynu soo sharraxnay, waxa qudha ee lagu iloobi karaa heshiisyadii uu ingiriisku kula taliyey Baarlamaanka Somaliland oo markaa ka koobnaa 33 Xubnood inay ansixiyaan inta u dhaxaysa 26-ka June oo ah maalintii u qorshaysnayd inuu Somaliland xorriyadeeda siiyo iyo 1-da July oo ah waqtigii UN-tu u cayimaey inay Koonfurta xorriyadooda qaataan. Heshiisyadaas oo kala ahaa;
- Heshiis la xidhiidha amniga iyo isgaadhsiinta
- Heshiis la xidhiidha warbaahinta iyo warfaafinta
- Heshiis la xidhiidha ciidankii la odhan jiray Somali Scot iyo xuquuqdooda iyo
- Heshiis la xidhiidha waxbarashada min Dugsiga Sare (A Level) ilaa Jaamacadda (Scholarship)
Heshiisyadaad dhamaantood ku muddaysan toban sannadood.