Hargeysa (GNN):- Xafiiska Qunsuliyada dalka Jabuuti ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay balaadhin doonaan adeegyada ay u qabtaan muwaadiniinta Jabuuti iyo kuwa Somaliland.
Amb Xuseen Cumar(Kawaaleeye) oowarbaahinta maxaliga ah xafiiskiisa ugu waramay ayaa faahfaahin ka bixiyey adeegyo kala duwan oo ay qabteen sannadkii dhamaaday, waxaanu yidhi.
“Waxaan u samaynay 53 dhalasho sannadkii dhamaaday, iyo caddaynta qofka ku dhasha Somaliland ooh ore aan u haysan goob ay ugu hagaagaan ayaa madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil C Geele ugu sameeyey xafiiskan in muwaadiniinta Jabuuti xaqooda u helaan, waxaan caddaynay labaatan qof oo ku dhintay geyiga Somaliland (Ilaahay ha u naxariistee).
Md Kawaaleeye ayaa sheegayin adeegyada xafiisku u qabto jaaliyada reer Jabuuti ka mid yihiin caddeynta dadka isku guursada Somaliland shahaadada meherkooda, dadka baasaboorku ka dhaco oo la siiyo warqad ay ku dhoofaan, sidoo kalena waalidka u doonaya caddeymaha caruurtooda u sameeyaan.
Safiir Xuseen Kawaaleye ayaa sheegay inay dad badan oo dib ugu laabanaya jabuuti u sameeyeen waqado ay ku dhoofaan, waxaanu yidhi
“Waxaan u samaynay waraaqo ay ku dhoofaan dad ku noqonaya jabuuti 73 qof, waxaan dadka qaata lacagta hawlgabka u caddaynay, waxaan waraaqaha meherka u caddaynay 43 muwaadiniin Jabuuti ah” Ayuu yidhi isagoo raaciyey.
Waxaan bogaadin sannadka cusub u dirayaa dhamaan madaxda iyo shacabka Somaliland, isagoo yidhi,
“Waxaan ugu horeyn hambalyo u dirayaa Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-xigeenka Md Cabdiraxmaan Saylici, xukuumada iyo shacab-weynaha Somaliland, dhamaantood waxaan leeyahay sannad wanaagsan oo bashbash iyo barwaaqo leh. Waxaan hawshaa u qabanay lana hadlayaa waa reer Jabuuti iyo reer Somaliland.
Md Kawaaleeye oo baaq u jeedinaya muwaadiniinta reer Jabuuti ee degan JSL ayaa yidhi
“Waxaan ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Jabuuti ee degan Somaliland isa-soo-diiwaangeliya, si wax la idiinku qabto, isla markaana dawlada Jamhuuriyada Jabuuti idiin ogaato.
GABILEY.NET