Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Natiijada Doorashada Madaxtinnimada Congo Oo Muran Dhalisay

Natiijada rasmiga ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo la shaaciyay ayaa waxaa inta badan kuraasta ku guuleystay xisbiyada xulafada la ah madaxweynaha xukunka ka sii degaya, Joseph Kabila.Codbixinta madaxtinnimada ayaa ahayd mid lagu murmay – musharraxa mucaaradka ah Felix Tshisekedi ayaa la sheegay inuu ku guuleystay, balse musharraxa kale ee Martin Fayulu ayaa sheegay inuu isagu guuleystay isla markaana uu maxkamad aadi doono.

Madaxweynihii hore ee Congo Joseph Kabila ayaa ka degaya xilka. Laakiin isbahaysiga uu hoggaaminayo Kabila ayaa ku guuleystay aqlabiyadda kuraasta baarlamaankaasi, sidaas awgeed isaga iyo xulafadiisu weli qeyb weyn ayay ka qaadan doonaan awoodda dalkaasi.

Tani waxay keeni doontaa inay aad u niyad jabaan malaayiinka qof ee rajaynayay in doorashada ay u horseedeyso isbeddello badan.

Waxaa su`aal mudan waxa uu noqonayo doorka madaxweyne Joseph Kabila ee natiijada doorashada

Madaxwaynaha xiga ayaa waxaa la gudboon inuu la shaqeeyo xisbiyada siyaasadeed ee hadda jira, kuwaas oo lagu eedeeyay wax is daba marin, halka laga doonayay inay wax ka beddelaan nolosha dadka.

Weli waxaa jira walaac ah in khilaafka ka taagan codbixinta madaxweynaha ay ka dhalan karaan rabshado.

Dhanka kale, hoggaamiyaha mucaaradka Martin Fayulu ayaa lagu wadaa inuu maxkamad geeyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashada, isagoo aaminsan in looga shubtay doorashadaas.

Ciidammada ammaanka ayaa lagu daad gureeyay meel u dhow halka uu deggan yahay Martin.

Wuxuu ku adkeysanayaa inuu ku guuleystay doorashadii bishii hore. Isagoo codsaday in si caadi ah loo xisaabiyo codadka.

Balse guddiga doorashada ayaa Felix Tshisekedi ku dhawaaqay inuu guuleystay. Fayulu ayaa ku eedeynaya Tshisekedi inuu heshiis awood-qaybsi ah la galay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Joseph Kabila.

 

GABILEY.NET

%d bloggers like this: