Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Go’aanka Dawlada Somaliya Ka Qaadatay Danjire HAYSOM

Moqdisho (GNN):- Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Ku xigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka fiirsaneyso go’aanka ceyrinta Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay qaadatay.

Farxaan Xaq, ayaa sheegay inay baaritaano ku bilaabeen sababaha keenay in go’aankaasi ay qaadato dowladda Soomaaliya, isaga oo walaac ka muujiyay hanaanka loo maray qaadashada go’aankaasi.

“Waxaan aragnay arrinkaan, waxaan isku dayaynaa in aan helno faahfaahin kala duwan iyo Cadeymo waxaana arki doonnaa iyada oo lagu saleynayo wixii tallaabooyin dheeraad ah loo baahan yahay, waana ka fiirsan doonaa” Haq ayaa u sheegay saxafiyiinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay gaartay warqadda lagu ceriyay Mr Haysom, balse ay kusoo aaday wax uun kadib markii uu cambaareeyay weerarkii ka dhacay Xalane.

Waxaa uu sheegay in Xoghayaha Guud uu war soo saari doono Saacaddaha soo socda ka dib markii ay dhameeyaan baaritaanada ku aadan sababaha lagu ceyriyay Haysom iyo habmaamuuska loo maray in Soomaaliya ay wakiilka soo ceyriso.

Exit mobile version