Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Kasoo Saaray Kulankii Uu La Yeeshay Mustafe Cagjar Iyo Axmed Shide

Addis Ababa (GNN):- Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo gaba gabeeyay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar “Mustafe Cagjar” iyo guddoomiyaha xisbiga Axmed Shide.

Madaxda uu fadhigoodu yahay magaalada Jigjiga ayaa shalay mar kale looga yeeray xafiiska mas’uulka ugu sarreeya dalka uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa shir ay albaabada u xiran yihiin la yeeshay hoggaamiyeyaashan.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin qodobadii ay mas’uuliyiinta ka wada hadleen, haddana waxaa la rumeysan yahay in ujeedda kulankooda ay ku saabsaneyd khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo guddoomiye Axmed Shide.

Markii uu shirka soo idlaaday ayaa macluumaad aan faahfaahin buuxda ahayn lasoo dhigay baraha xiriirka bulshada.

Bogga uu xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku leeyahay facebook-ga ayaa lagu daabacay sawirro muujinaya saddexda mas’uul oo is garab taagan isla markaana dhoolla caddeynaya.

Qoraal lasoo raaciyay sawirrada ayaa lagu yidhi  “Waa in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka”.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa safar dalka dibaddiisa ah ku maqnaa intii uu maalmihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka.