Somaliland Oo Lagu Soo Hadal Qaaday Caleemo Saarkii Madaxweynaha Maamulka Puthland.

Caleemo Saarka Deni Oo Lagu Soo Qaaday Somaliland
Madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa xalay munaasibad balaadhan lagu caleemo saaray. Madaxda Soomaaliya iyo siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo arlada Soomaalida isaga yimid ayaa munaasibadda ka qayb galay.

Madaxweyne Deni oo khudbad uu kaga hadlay qorsheyaashiisa ka jeediyay madasha ayaa soo qaaday gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland oo sheegay in uu soo celinayo “Si loo xoojiyo soo celinta dawladnimo Soomaaliyeed waxaanu mudnaan gaar ah siin doona ilaalinta midnimada Puntland dad iyo dhulba iyada oo ahmiyad gaar ah la siin doono soo celinta dhulka maqan ee dastuurka Puntland uu qeexayo,” sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Puntland.

Abwaan Faarax Murtiile oo ah reer Somaliland ayaa madasha caleemo saarka ka soo jeediyay in madaxweyne Farmaajo tago Hargeysa si looga wada hadlo arrimaha la isku mari la yahay. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa isaga oo arrintaas tixraacaya yidhi “Halkan nin baa ka hadlay farriin baanu dibadda ka keenay waana gabyay taasi meesha way ka maqan tahay maxay tahayna? Ha la raadsho midnimadii Soomaaliya oo midnimadii Soomaaliya xaggee laga raadinaya? Ha la furo wada hadalkii Somaliland, diyaar bay u yihiin, way codsanayeen,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Faroole.

Waxa uu intaasi raaciyay “Xogaagan Tukaraq la isku tuurtuuray ayaa iyaduna xogaa caqabad ku noqotay (Wada hadalka) waxaan abiil u samaynaya dawladda Somaliland in ay arrinta ku celiso meeshii awal ay joogtay si wada hadalkii loo furo oo Tukaraq iskaga tagto oo halkeedii ku noqoto,” Sidaas ayuu yidhi Mr Faroole.

Waxa kale oo uu sheegay in maaddaama siyaasiyiinta ugu badan Soomaalida oo madaxda hadda kuwo hore iyo kuwa soo socdaaba joogan ay tahay in arrintaas la weeleeyo. Waxa uu soo dhaweeyay dhexdhexaadinta Turkigu wado waxaanu tilmaamay in wixii laga fursan waayo lagu heshiin doono. Waxa uu intaasi raaciyay in dadku is dhexgalay oo Hargeysa iyo Garoowe isku furan yihiin laakiin, waxa kala xidhan tahay uun siyaasadda.

Halkan Ka Daawo Muuqaalkan.