Telefishanka Qaranka, Qaybtiisa Hargeysa Laga Daawado Oo Xalay Hawada Ka Baxday + Sababta

Hargeysa(GNN)-Tilifishanka qaranka Somaliland qaybtiisa gudaha Hargeysa laga daawado  ayaa xalay hawada ka baxay.

Ma jiro wax war ah oo ay wasaarada warfaafintu ka soo saartay ciladan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inay ciladi ku timid  taraasmiitarkii uu ku shaqaynaayay oo muddo dheer aan laga badalin.

Sida ay wararku sheegeen Taraasmiitarkan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay lagu soo waramaayay in cilad ay la soo daristay taas oo aan waxba laga qaban, waxaana ugu danbayntii uu xalay Telefishanku qaybtiisa maxaliga ahi ka baxay hawada.

Qaybta gudaha ee Telefishanka qaranka ayaa dhawr sannadood ka hor sidan oo kale u fadhiisatay, laakiin xukuumadii Madaxweyne


Siilaanyo ayaa wakhtigaas u iibisay taraansimiitarkan hadda ciladoobay.

Farsamayaqaanada Telefishanka qaranka ayaa la sheegay inay xalay fiidkii aad ugu mashquuleen inay xaliyaan ciladan, laakiin kumay guulaysan.

GABILEY.NET