Garoowe(GNN):-golaha baarlamaanka maamulka Puntland ayaa doortay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa kala doortay murashaxiin dhawr ah oo u taagnaa jagada madaxweyne ku xigeenka, iyada oo wareegii ugu dambeeyey ee ay iskugu soo hadheen Axmed Karaash, Cabdi Ibraahin warsame Qawdhan iyo Eng Cabdilaahi Xirsi Timacade
Gudoomiyaha guddida doorashada maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Ahmed ayaa ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday doorashadii madaxweyne ku xigeenka, isaga oo sheegay in murashax Axmed Karaash uu helay 47 cod halka uu murashax Cabdi Ibraahin warsame Qawdhan uu helay 19 cod, iyadaoo murashax Eng Cabdilaahi Xirsi Timacade aanu helin wax code ah, halkaana waxa murashaxa madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland uu ku guulaystay Axmed Karaash oo ka soo jeeda deegaanka gobolka Sool.
GABILEY.NET