Soomaaliya Oo Safka Hore Kaga Jirta Wadamada UK Taageerada Siiso Ee Musuq Maasuq Aafeeyey
Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London, ayaa daabacay maanta in Ingiriisku uu siiyo kaalmada dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxaana isa soo taraya walaaca laga qabo in mucaawimadaasi ay noqoto wax khasaara, qaybo la lunsado, mid u gacan gasha kooxaha Argagixisada.
Dadka wax Falanqeeya ayaa xaqiijiyey in UK ay lacag ka badan £1.53 Bilyan Ginni gacanta kaga riday labaatanka Waddan ee ugu musuqmaasuqa badan adduunka, waxaanay lacagta deeqaha Ingiriisku siiyey sannadkan ay ka badan tahay tii sannadkii hore Boqolkiiba Laba iyo Toban (12%, iyadoo UK sannadkii hore siisay dalalkaas musuqmaasuqu naafeeyey £1.36 Bilyan oo Gini.
Warbixinta Wargeyska Daily Mail, waxay caddeysay in
lacagaha deeqaha ah ee ay UK ugu yaboohday dalalka Musmaasuqu aafeeyey ay laba jibaarantay shantii sannadood ee la soo dhaafay.
Dalalka Warbixintu xustay ee qaadhaanka Ingiriisku siiyo lagu tagri-falo waxa safka hore kaga jira Suuriya, Soomaaliya, Afganistaan, Yeman, Suudaanta Koonfureed, Dr Congo, Ciraaq, Suudaan, Liibiya iyo Cambodia.
Afhayeen u hadlay Hay’adda Kaalmada dibadda ee DFID, ayaa ku dooday in aanay dalalka musuqmaasuqu ku jiridaystay aanay si toos ah u siinin dawladahooda kaalmada, hase yeeshee ay u sii mariyaan hay’ado ay wada shaqeyn leeyihiin oo aamin ah isla markaana kula tacaalaya deeqaha dhibaatooyinka jira ee loogu talogalay.