Waxaana la odhan karaa waxay Wasiir Shukri Baandare Ka faa’iidaysatay iyadoo isticmaalaysa Khibradeeda aqooneed iyo waayo
Qofwalba garaadkii iyo garashadiisa ayuu lameel tagaa ama fagaarayaasha kaga hadlaa, waxaan uga socdaa waxaa hadal aan loo meeldayin madal madax kala duwan iyo inta badan saxaafada somaliland ku sugnayd kaga dhawaaqday Wasiirka shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaandi.
Waxa ay wasiir Hinda gaandhi si badheedh ah u maagtay oon gabasho lahayn warbaahinta Somaliland oo runtii hawsha ay qaranka u haysaa tahay hawl mihiima oo qayb laxaadle ay ka qaadato horumarka iyo nabad gelyada dalka.
Taasi macnaheedu maaha warbaahintu inaanay wax qalad ah samayn oo qalad basher baa looyahay oo warbaahintu way qaldami karaan waayo waa bini aadam.
Wasiir Hinda gaandhi eedaynta iyo warbaahinta ay usoo jeedisay waxa kamuuqatay caadifad waayo waa la isdhaliili karaa si qaladka loo saxo, laakiin wasiir Hinda gaandhi waxay su’aal gelisay inay caadi yihiin dadka warbaahinta ka shaqeeyaa, taasi oo muujinaysa heerka bisaylka siyaasadeed iyo Waliba heerkeeda aqooneed ee wasiir Hinda gaandhi.
Mar uu wargayska Afka dheer ee Foore wax ka qoray halka ay isku seegeen warbaahinta iyo Wasiir Hinda ayaa yidhi sidan:-
“Xogo arintani ku saabsan oo Wargeyska Foore Baadhay ayaa waxaanu ku ogaaday halka ay kasoo unkantay xidhiidhka aan wanaagsanayn ee ka dhexeeya Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Wasiirka Qoyska Hinda Jaamac Gaandi. Qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxa bannaan ayaa bilawgii markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Biixi Golihiisa Wasiiradda ayaa waxa ay falanqayn ku sameeyeen heerkooda aqooneed qaar ka mid ah Wasiiraddaasi, waxaanay Hinda Gaandi ka mid ahayd wasiiraddii ay Warbaahinta qaar aad u qaadaa dhigeen Cv-gooda dhinaca Heerkooda waxbarashada iyadoo warbixinahaasi lagu sheegay inaanay saddex Wasiir oo ay Hindi ka mid ahayd aanay xiitaa dhamaysan Waxbarasho dugsi sare”
Taasi badelkeeda Wasiirka Horumarinta Deegaanka Somaliland Marwo Shukri Baandare oo ka hadlaysay madal lamid ah tii Hinda Gaandhi ku aflagaadaysay Warbaahinta ayaa ka garawday hawsha iyo shaqada ay qaranka u hayso Warbaahinta Somaliland oo ay sheegtay inay shaqo wayn oo mihiima ay bulshada uhayaan, garashadan ay garatay Wasiir Shukri Baandare Hawsha ay warbaahintu uhayso qaranka ee ay garan wayday Wasiir Hinda gaandhi ayaa dadku ku sifeeyeen kala duwanaashaha labadan wasiir Heerkooda aqooneed iyo waliba bisaylkooda siyaasadeed, waxaanay falaqaynta arinkan bulshadu falan qaysay ku sheegeen inay Wasiir Shukri Baandare tahay marwo aqoon iyo garasho dheer iyo waliba fahan siyaasadeed oo durugsan leh.
Waxaana la odhan karaa waxay Wasiir Shukri Baandare Ka faa’iidaysatay iyadoo isticmaalaysa Khibradeeda aqooneed iyo waayo aragnimadeeda siyaasadeed ilduufka siyaasadeed ee ay gashay Wasiir Hinda Gandhi.
Isku soo duuboo qofwalba garashadii iyo aqoontii ayuu la shir tagaa.
W/Q: Axmed Cabdiraxmaan
Gabiley.net Masuul Kama Aha Aragtida Iyo Fikir Qoraaleedka. Bulshada Waxa Xumaanteeda Sharafteeda Karaamadeeda Iyo Wanaageedabaleh Qoraaga.Shabakadu Kaliya Waxey Ahmiyada Sii Nasaa In Laysku Gudbiyo Fikirka Iyo Aragtiyaha Dadweynaha.