Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kordhisay Kirada Haamaha Shidaalka Berbera

Hargeysa (GNN):-  Xukuumadda Somaliland ayaa kordhisay qiimaha kirada ee haamaha shidaalka Berbera 32% foostadii, gaar ahaan naaftada.

Halkii foosto ee naaftada ah ayaa markii hore laga qaadi jiray khidmad dhan 5.28 dollar halka imika laga dhigey 7 dollar.

Arrintan ayaa sababi karta in uu kordho qiimaha shidaalka ee suuqyada Somaliland.

GABILEY.NET