WARARKA




Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Shirka London Ee Shidaalka Soomaaliya

Moqdisho (GNN):- Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada London, kaasi oo lagu iibinayo xirmooyin ka mid ah kuwa shidaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa sheegay โ€œwax walba oo kasoo baxay shirkaas waa xaaraan, mana aqbali doonnoโ€

Cali Dheere oo la hadlay idaacadda Al-Shabaab, ayaa shaaca ka qaaday inaysan marnaba suurta-gali doonin in goโ€™aannada kasoo baxa shirkaasi laga dhaqan geliyo gudaha dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa u sheegay in uu ugu baaqayo in shirkadaha doonaya inay soo qaataan qandaraaska shidaalka Soomaaliya ay ku waana-qaataan dilkii Paul Anthony Formosa ee dekedda Boosaaso.

โ€œHaddii aydaan ka waan toobin boobka kheyraadka Soomaaliya, waxaad ku dambeyn doontaan sidiisa oo kaleโ€ ayuu yidhi ย Cali Dheere.

Shirkan ayaa waxaa horey u cambaareeyey siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradsan xukuumadda hadda haysa talada dalka.

GABILEY.NET