Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka furmay magaalada Boorama oo ay ka qayb-galeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland, hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, wufuud caalami ah oo ka kala socota dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya, xubno ka socda axsaabta mucaaridka, ergooyin xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka, salaadiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku saabsan Dimuqraaddiyadda xisbiga KULMIYE iyo horumarka uu Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiiyey muddadii ay xilalka qaranka u kala dambeeyeen hoggaankiisu.