Madaxweynaha Puntland Oo Saacadaha Soo Socda Ku Dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada + [ Wararkii Ugu Danbeeyey ]

Garoowe (GNN):- Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay bil ay ka soo wareegatay markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in Madxweyne Saciid Deni uu soo gabagabeeyay wada tashadii uu ku soo magacaabayay Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada caawa illaa berri, iyadoo laga hadal haayo magaalada Garowe inuu soo magacaabi doono Gole Wasiiro oo kooban.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhowaan joojiyay kulamadii qaabilaada, taasoo looga gol lahaa inuu yareeyo siyaasiyiinta xildoonka ah ee Madaxtooyada Garowe buux dhaafiyay.

Dad badan ayaa u dhega taagaya Golaha Wasiirada uu soo magacaabi doono Madaxweyne Saciid Deni, waxaana intii uu Ololaha doorashada ku guda jiray uu sheegay inuu soo dhisi doono haddii xilka ku guuleysto Gole Wasiiro oo tayo leh.

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992