Hargeysa (GNN):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta berri ah la filayaa inuu u safro a magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Warar xog ogaal ah oo soo gaahey Ilaysnews.com ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi uu marti-qaad rasmi ah ka helay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed
Safarka madaxweyne Biixi ayaa xoguhu ay sheegayan inay ku wehelin doonan wasiirka arimaha dibada , wasiirka Maaliyada , wasiirka Ganacsiga iyo taliyaha ciidanka Qaranka
Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Axmed.
GABILEY.NET