Mdaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Dhamnaal Tacssi Ah Udiray Ehaldii Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariiste Marxuun Yuusf Caynab Muuse Oo Maanta Hareysa Ku Geeriyoday.
Tacsi Madaxweyne: 27/02/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdutahay 27/02/2019, Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka, xilal muhiima oo heer wasiir ahna qarankan ka soo qabtay.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL