Soomaali U Tartamaya Doorashada Baarlamaanka Yurub

Yurub (GNN):- Inta badan dalalka ku jira ururka Midowga Yurub waa waxaa ka billowday ololaha doorashooyinka Baarlamaanka Midowga Yurub oo lagu wado in ay qabsoomaan inta u dhaxeysa 23-26 bisha May ee sannadkan 2019.

Shacabka ku nool dalalka ku bahoobay Midowga Yurub ayaa soo dooran doono dadki u matali lahaa baarlamaankaasi.

Soomaalida farakutiriska ah ee doorashadaasi u tartameysa ayaa waxaa ka mid ah Cabdullaahi Xasan Dhaqaalo oo ka mid ah Golaha Deegaanka magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

GABILEY.NET

Exit mobile version