Tirada Dadka Qabow Dartii Ugu Dhintay Mareykanka Oo Sii Korortay +[ Inta Ay Mareyso ]

Ugu yaraan 21 ruux ayaa u dhimatay sababo la xidhiidha qabow iyo cimilo baraf wadata oo ku dhufatay qeybo ka mid ah bartamada iyo galbeedka waddanka Mareykanka.

Cimiladan khasaaraha dhalisay ayaa lagu tilmaamay tii ugu qaboobeyd ee dalkaas soo marta muddo tobannaan sano ah.

Dad ay tiradoodu gaareyso 90 malyan oo qof, oo u dhigma saddex meelood hal meel oo ka mid ah shacabka Mareykanka ayaa hadda ku nool jawi aad u qabow oo cabirkiisu uu la egyahay -17C (0F) ama ka sii hoose.

Qabow daran oo ku dhuftay Waqooyiga America

Qiyaastii 250 milyan oo shacabka Mareykanka ah ayaa si guud u dareemay cimiladan qabow oo lagu magacaabay “polar vortex”.

Isbitaallada ayaa la geeyay dad aad u fara badan oo u baahan in laga daaweeyo dhibaatooyinka uu qabowga u keenay, iyadoo qeybo ka mid ah dalkaasna ay howlihii caadiga ahaa hakad galeen.

Waa ayo dadka ay waxyeellada soo gaadhtay?

Dadka hoy la’aanta ah ama darbi jiifka loo yaqaanno ayaa wajahay khatarta ugu weyn, iyadoo xitaa magaalooyinka laga sameeyay xarumo diirran oo gabbaad laga dhigto.

Hase ahaatee dadka qaarkood ayaa u bareeray qabowga ba’an ee barafka wata.

Haweeney da’deeda lagu sheegay 60 sano ayaa meydkeeda laga helay guri laga kala cararay oo ku yaalla magaalada Lorain ee gobolka Ohio.

Dadka qaarkood waxaa meydadkooda laga helay masaafe wax yar u jira guryahooda.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in nin ka mid ah dadka qabowga dartiis ugu geeriyooday xaafadahooda uusan xidhneyn dhar uu qabowga isaga caabiyo.

Wiil kale oo 18 sano jir ah isla markaana arday ahaa ayaa Arbacadii la helay isagoo aan wax dhaqdhaqaaq ah lahayn oo yaalla meel aan ka fogeyn iskuulkiisa oo ay ka dhaceysay dabeyl uu qabowgeeda heerkiisa gaarayay -46C (-51F).

Goor dambe ayuu ardaygaas isbitaalka ku geeriyooday.

Maalintii Salaadada ahaydna nin kale ayaa qabow dartiis ugu dhintay garaash ku yaalla magaalada Milwaukee oo ka tirsan gobolka Wisconsin.

Isla magaalada Milwaukee, haweeney 38 jir ah ayaa Maqribnimadii A rbacada meydkeeda laga helay gurigigeeda dhexdiisa.

Qabowda daran ee ka dhacaya waddooyinka ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dhimashada horseeday.

Askari booliska ka tirsan oo 22 jir ah iyo xaaskiisa ayaa geeriyooday ka dib markii uu gaarigooda ku dhex dhacay baraf waddada buuxsamay.