Xubno Kamida Golaha Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Gabiley Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhismaha Libareriga Gabiley.+Sawiro.

Gabiley(GNN):-Waxaa Maanta Magaalada Gabiley laga dhagax dhigay dhismaha libareriga cusub oo laga dhisayo gudaha magaalada gabiley, Waxaana munaasibada lagu daah furayey dhagax dhigay xarunta akhriska magaalada gabiley ka qayb galay xubno kamida golaha wasiirada somaliland oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare somalilnad, Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technologyada, iyo Wasiirka Wasaarada hawlaha guud iyo Guriyeynta, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Jsl Waxaaana Mashruuca Dhismaha Libarerigan Cusub oo ay Iska Kaashanayaan Dawlada Hoose Magaalada gabiley iyo Dawlada dhexe laga daahfuray maanta gudaha magaalada gabiley, Waxaana halkaasi Khudbado Kala Duwan Ka jeediyey maamulka Gobolka Gabiley Iyo Martisharafkii Madasha Kasoo Qayb Galay iyo Xubnihii Golaha Wasiirada Somaliland ee Kasoo Qayb Galay Madasha Dhagax Dhiga Xarunta Cusub ee Akhriska.

Halkan ka Daawo Muuqaalada Sawirada.

La Soco Muuqaalada Iyo Khudbadaha Madashan Ay Ka Jeediyeen Madaxdii Kasoo Qayb Gashay.

Gabiley News Network.