3 Habeen oo Farxad Aroos ay ku Jirtay ayey Saamiya Xalay Ayey ku Hoyatay Murugo

3 Habeen oo Farxad Aroos ay ku Jirtay ayey Saamiya Xalay Ayey ku Hoyatay Murugo.

Dhacdooyin Xanuun badan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana soo kordhaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Bajaajta ku shaqeysta ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Seddex Maalin ka hor ayuu guursaday Cabdi Waaxid Jabriil Afrax, balse mid kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dilay isgoyska Taleex degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

C/Waaxid ayaa kamid ahaa dhalinyarada ku qanacsan inay ka xamaashaan dalkooda, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay qoyskooda uu ka biilayay waxyaabaha uu ka shaqeeyo mootada, sida ehelkiisa qaar ay sheegeen.

Askari Boolis ah ayaa dilay wiilka dhalinyarada ah, waxaana qoyskiisa wiilka ay xalay ku hoydeen murugo.

Xaaskiisa Saamiya Suleebaan Jaamac saddexdii habeen ee la soo dhaafay farxad ayeey nolosha ku qaadatay, balse xalay murug iyo ooyin ayey ku seexatay kadib markii ay wayday qofkii ay calmatay, iyadoo aysan todobada ka bixin.

Cabdi Waaxid oo wiil dhalinyaro ahaa wuxuu ku shaqeysanaayay Bajaaj, sidoo kalena wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo waxbarta, dadna ma uusan dulmin, ma dhicin cidna, Qofna muusan dilin, balse isaga gardaro lagu dilay.

Dilalka loo gaysanaayo dhalinyarada Mooto Bajaajta ku shaqeysta waa ay sii kordheysaa Magaalada Muqdisho gudaheeda, waxaana aad u yar helida Cadaallada la marsiiyo dambiilayaasha.