Afar waxyaabood oo cusub oo lagu arkay weeraarkii lagu qaaday Hotel Makka Al-Mukarama

Gabiley(GNN)Kooxda Al-Shabaab ayaa Xalay weerar ku bilowday qarax ku qaaday Hotelka Makka Al-Mukarama oo ah mid ay dagan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa Afar waxyaabood oo uu qaraxaan kaga duwan yahay kuwii ay horey Al-Shabaab uga fulin jireen Muqdisho.

1) Waqtiga uu Qaraxa dhacay:

Qaraxa ayaa Xalay Muqdisho ka dhacay Saacadda marka ay aheyd 8:35 Daqiiqo xilliga Geeska Africa.

Waa waqti aan Al-Shabaab looga baran inay qaraxyo ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada Al-Shabaab ayaa inta badan la fulin jiray Maalin caddey ama waqtiga Maqribka ugu dambeyn balse qaraxaan wuxuu noqday mid ku cusub dadka Muqdisho waqti ahaan.

2) Mid ka mid ah Dableydii oo la qabtay:

Sida ay ay sheegeyn Saraakiisha Amaanka waxaa gacanta lagu dhigay mid kamid ah dableydii weerarka soo qaaday waana wax ku cusub dadka Muqdisho in la qabto Al-Shabaabka weerarada soo qaado maadaama ay inta badan is qarxiyaan ama la toogto go’aankooda ay tahay inaan la qaban iyagoo nool.

Inkstoo aan weli qofka la qabtay lasoo bandhigin haddana waxaa sidaas saxaafadda u sheegay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee horkacayey howgalkii Hotel Makka Al-Mukarama.

3)  Al-Shaaab oo galay guryo shacab leeyihiin:

Kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay guryo dad shacab ah leeyihiin oo ku yaal Jidka Makka Al-Mukarama.

Galitaanka xaafadaha ee Al-shabaab waa arrin ku cusub weerararda shabaab ku qaadaan hoteelada Muqdisho, waxaana ay cabsi ku sii abuuri kartaa shacabka magaalada oo awalba horey ula daala dhacayay culeysyada amniga iyo nolasha guud.

Sidoo kale arrintan ayaa keeni karta in khasaare badan shacabka ka soo gaaro maadama howlgallo ka dhacayaan xaafadaha oo dadweyne badan ku nool yihiin.

4) Saacadaha uu weerarka socday:

Dableydka hubeysan ee ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayey u suurtagashay inay ku dhawaad 17 saacadood ka dhex dagaalamaan Hotelka.

Waa markii ugu horeysay oo ay sidaas dhacdo, mana jiro weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya oo gaatay 17 saacadood.

GABILEY.NET