Hargeisa(GNN):-Ciidammada Booliska ayaa Xabsiga ka siidaayey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Maxamed Maxamuud oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa.
Waxaana Warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakada gabiley news intaa ku dareen in Isniinta Maanta lagu siidaayey Damiin.
Sidan oo kale, ayaa Damiin loogu siidaayey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq.
Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco.
La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha.
Hargeisa Somaliland
Gabiley news Network.