Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Damiin Lagu Siidaayey Maanta.

Hargeisa(GNN):-Ciidammada Booliska ayaa Xabsiga ka siidaayey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Maxamed Maxamuud oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho,Masuuliyiinta uu Ka midka yahay  isaga iyo Madaxda ka saraysa oo isugu jira Wasiirka Wasaarada Agaasimaha Guud iyo agaasinka Maamulka iyo lacagta, Waxaana xafiiska xeer ilaalintu xidheen agaasimihii guud ee wasaarada oo waxyar uun ka hor is casilay xadhigiisa iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta.

Waxaana Warar xog-ogaal ah oo ay heshay shabakada gabiley news intaa ku dareen  in Isniinta Maanta lagu siidaayey Damiin.

Sidan oo kale, ayaa Damiin loogu siidaayey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq.

Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco.

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha.

Hargeisa Somaliland 

Gabiley news Network.