“Dunida Badankeedu Waxa Ay Garwaaqsatay In Loo Kala Baxo Somaliland iyo Somaliya”.Madaxweyne Muuse Biixi

“Dunida Badankeedu Waxa Ay Garwaaqsatay In Loo Kala Baxo Somaliland iyo Somaliya”.Madaxweyne Muuse Biixi.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi, ayaa sheegay in Caalamka intiisa badan ay garwaaqsadeen in la joogo wakhtigii loo kala bixi lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Biixi Maanta ka sheegay khudbadiisa sanadlaha ah ee uu ka hor jeediyey Kulankii shir gudoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha Siyaasada, horumarada iyo waxyaabaha u qabsoomay, wuxuuna aad ugu dheeraaday wada hadaladad u dhaxeeyo Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay dhawr jeer la soo xidhiidheen Dowladaha Switzerland iyo Swedan si ay uga wada hadlaan khilaafka wakhtiga badan soo qaatay ee uu dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay arrintaas aqbaleen.

“Waxa muuqata in caalamka badankiisu gadhwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

“Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay” ayuu sii raaciyey.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland uu Maanta ka hor jeediyey Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xilli uu dhawaan sheegay inay labada dhinac wada hadal yeelan doonaan si arrimaha taagan looga heshiiyo, balse wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inayna diyaar u ahayn in miiska wadahadalka la fadhiisto.

Si kastaba waxaa dhowr mar uu fashil ku yimid wadahadalo la doonayay in ay dhex maraan Somaaliland iyo Soomaaliya, hase-yeeshee dhawaan la rajeynayo inay wadahadaladaas qabsoomaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna hore u ballan qaaday inay xukuumadiisu la fadhiisan doonto Somaliland isla markaasna wax kasta lagu dhameyn doono wadahadal.