WARARKA




Eriterea oo Sheegtay in Weftigoodu Kulan Labaad Arrimo Badan Kala Hadleen Madaxweynaha Somaliand

Hargeysa(GNN)-ย Warsidaha Shabait ย ee ย Wasaaradda Warfaafinta Eriterea, ayaa maanta daabacdayย  war ku saabsan weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas, Cismaan Saalaxย  ee maalintii labaad booqashada shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Shabakada Caalamiga ah ee Gabiley News Network (GNN) ayaa soo xigatay warka lagu baahiyey shabakadda Shabaitย  oo ciwaankiisu ahaaย โ€œWeftiga sare ee ka socda Eriterea oo kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Somaliland.โ€

Qoraalka Warsidaha Shabait oo aanu Indiin Turjunay wuxuu u qornaa sidan:-

โ€œWeftiga heerkiisu sareeyo ee ka socda Dawladda Eriterea oo ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cismaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eriterea Mr. Yeman Gebreab ayaa kulan labaad oo saacado socday saaka la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay si qoto-dheer uga wadahadleen Arrimihii ay kulankoodii koowaad ku falanqeeyeen.

Waxa kaloo Weftiga ka socda Eriterea ay kulamo la yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo xubno ka tirsan Golayaasha Guurtidda iyo Wakiillada Somaliland.

Sidoo kale, waxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xalay casho-sharaf ku maamuusayย  weftiga Eriterea.โ€

Halkan Ka Akhriso.
http://http://www.shabait.com/news/local-news/28186-senior-eritrean-delegation-held-discussion-with-various-somaliland-officials