Gaadhiga Ugu Xawaaraha Dheer Adduunka Oo Lasoo Saaray + [ Sawiro ]

Kani waa gaadhiga ugu awoodda badan ee baabuurta loo sharciyeeyay iney ku socdaan waddooyinka, waana kii ugu horreeyay ee xawaarahaas leh oo Talyaaniga kasoo baxa.

Marka ay baabuurta kula tartameysa ku jiraan noocyada kala ah Ferrari iyo Lamborghini, waxay kuu tahay sharaf gaar ah.

Gaadhigan oo ku shaqeeya koronto, wuxuu xitaa noqon karaa midka ugu orodka dheer guud ahaan baabuurta ku socota dunida, inkastoo marka baabuurta laga hadlayo ay yihiin kuwa ku shaqeeya batariga (uu meesha ka baxayo magaca gaadhiga loo yaqaanno supercar, noocuu doonaba ha ahaadee).

Shirkadda baabuurta sameysa ee lagu magacaabo Pininfarina Battista ayaa dhawaan magaalada Geneva kusoo bandhigtay gaadhi aan noociisa horay loo soo farsameynin, waana mid dhammaantiis koronto ku shaqeeya.

Gaadhigan marka uu socdo wuxuu xawaaraha saacaddiisu gaadhi karaa ilaa 250m saacaddiiba.

Cabirkaas ayaa orodka gaadhigan ka dhigaya mid aad u dheereeya, isagoo tamartana gabi ahaanba ka helaya qulqulka korontada.

Awoodda fariinkiisa ayaa u dhiganta labo jibaar awoodda gaadiidka caadiga ah ee hadda ugu sarreeya sida midka ay sameyso shirkadda Ford Fiesta, kaasoo ah gaadhiga loogu gadashada badan yahay gudaha dalka Britain.

Michael Perschke oo ah madaxa shirkadda soo saartay gaadhigan ee la yiraahdo Automobili Pininfarina ayaa yidhi: “Awoodiisu waa mid waalli ah, gaadhigan wuxuu leeyahay bandhig heer sare ah wuxuuna ku shaqeeya awoodda korontada”.

Ma aha gaadhigii ugu horreeyay ee batari ku shaqeeya oo loo soo saaray dunida.

Horay waxaa magaalada Geneva loogu soo bandhigay gawaadhi noocan ah balse ka xawaare hooseeya.

Shirkadda Rimac ayaa horay Geneva ugu soo bandhigtay gaari ku shaqeeya Koronto

Waxaa ka mid ahaa 2 nooc oo ay soo saartay shirkadda Rimac iyo mid ay soo saartay shirkadda kale ee lagu magacaabo Tesla.

Wax shaki ah kuma jiro in bandhiga gawaarida ee isbuucan ka dhacay Geneva lagu muujiyay gawaari aan horay loo isticmaalin.

Ma aha markii ugu horreysay ee lasoo saaro gawaari xawaare dheereeya

Gaarigan ay lasoo shir tagtay shirkadda Automobili Pininfarina ayaa ah mid hal sano oo kaliya sameysan, tijaabadii lagu sameeyayna ay guuleysatay.

Marka laga soo tago xawaarihiisa, waa gaari nooca raaxada ah oo aad loo qalabeeyay.

Shirkaddan ayaa horay ugu caan baxday soo saarista baabuur soo jiitay indhaha caalamka, kuwaasoo dad badan ay daneeyeen.

GABILEY.NET