“Haddii ay Dibeda iska Joogaan Dadkii Musuqmaasuqa Lagu Soo eedeeyey Taasi Waxay Culeys Weyn “Niyad Jab” Ku Keenaysaa shaqadii Hantidhawrka Qaranka.

Hargeisa(GNN):-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac Dafac oo kamida garyaqaanada ku xeeldheer arrimaha sharciga ayaa si faahfaahsan u sharaxay caqabadaha hortaagan gudashada shaqadii Xafiiska hantidhawrka guud qaranka haddii aaney xukuumadu ku garab istaagin  Waafajinta sharciga dadka lagu soo eedeeyey musuqmaasuq.