“Madaxda Somaliya Ha Iska Furaan Qufulka Ku Xidhan Ee Ah Somaliland Mar Bay Naga Mid Ahayd”

Hargeysa (GNN:-Cabdilaahi Ibraahim Habane, oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Waxbarashada, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, qabyaalada, biyo yaraanta iyo abaaraha ka jira deegaanada qaar,iyo kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya.

Cabdilaahi Ibraahim Habane, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka ayaa yidhi  “Maanta waxaynu nahay dal dhisan, marka loo eego marxaladaha adag iyo duruufihii aynu ka soo gudubnay, inaga ayaa isku tashanay, oo ALLE sukadii dalkeena iyo dadkeenaba u tashanay, iyada o aanay ciddina inaga caawin baynu soo gaadhnay heerka aynu maanta marayno, waxaynu ka soo gudubnay nidaamkii qabaliga, waxayna u soo gudubnay nidaamka axsaabta badan iyo dimuqraadiyada, Doorashooyin badan baynu soo galnay, sidaas darteed maanta meel fiican baynu maraynaa, ee wax kasta oo jira waa inaynu is fiican u xalinaa, oo is afgarad ka gaadhnaa, si wada jir ahna u dhammaysanaa”

Mar uu ka hadlaayey kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliya waa Wadan aynu jaar nahay, waa Wadan aynu kala Siyaasad nahay,kala Dastuur nahay, oo kala ma’da iyo kala mawqif nahay, Madaxda Somaliyana maaha inay isku qufulaan mar bay Somaliland naga tirsanayd, ee Itoobiya iyo Ereratiriya oo isku wadan ahaaba waa kuwaas maanta laba dal kala ah, ee Madaxda Somaliya ha iska furaan qufulka ku xidhan ee ah Somaliland mar bay naga mid ahayd, Somaliland waa dal maanta leh Madaxweyne u gaar ah oo la doortay, waa dal leh Hay’addihiisi Garsoorka, Sharcidejinta iyo Fulintaba, markaas mar dambe oo ay Somaliland la midawbayso Somaliya ma jirto, ee hore ayey u socota,Ictiraaf iyo Aqoonsi bay Caalamka ka sugaysaa”.

Mar uu ka hadlaayey qabyaalada ayaa yidhi “Qabyaalada in laga dheerado, oo aad iyo aad looga feejignaado ayaa weeye, maxaa yeelay dhammaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxay ku wada abtirsadaan waa Qaranimada Somaliland,”

Dhinaca kale Cabdilaahi Ibraahim Habane, ayaa ku baaqay in la caawiyo oo gurmad deg deg ah lala gaadho deegaanada ay biyo yaraantu ku jirto.