Magaaladii Berberi Way Socotay Oo Gole Deegaan Oo Qurxiya Ayay Heshay

Hargaysa(GNN)Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ayaa sheegay in magaaladii berberi ay ku talaabsatay horumar la taaban karo oo ay kaga horaysay dhamaan goboladii kale ee qaarkoodoo ay yihiin caasimadii dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in berbera ay u kaceen gole deegaan oo bulshadii soo dooratay ay ku celiyeen wax-qabad la taaban karo,waxaana uu maayarka berbera ku tilmaamay mid bulshadiisa u heelan oo badii iyo laamigiina isku xidhay.

“Berbera ayaa Khamiistii hore ka imid Runtiina Aad Iyo Aad ayaa ugu mahad celinayaa ninka maayarka magaaladda ka ah Quruxda meeshaas ka muuqatay iyo nadaafadda iyo dhulkii iyo badii oo buluug ah oo halkaasi iska galay waxa ay ahayd wax mucjiso ah aadna waan uga soo helay yacnii wadooyinka iyo dhismayaasha sida loo qaabeeyay iyo waliba Horumarka aan kala joogsi ahayn ee ka Socda.

Intaas waxa uu ku daray Xildhibaan Axmed Cabdi nuur Kijaandhe oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”waxaan u mahad celinayaa sida muuqata ee magaaladii berbera ay u qurxiyeen golaha deegaanku waxaanad odhan kartaa berberi socotay ee hargaysa maxaa haystay.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe ayaa tilmamay in wax-qabadka ka muuqda berbera uu indhihiisa ku soo arkay markii safar qaatay mudo ugu maqnaa magaalo xebeedka berbera oo ah meesha hadda ugu quruxda badan somaliland.