Taliyaha Socdaalka oo Sharraxay Wax ka Bedel Lagu Sameeyay Nidaamka Qaadashada Fiisaha Somaliland

Taliyaha Ciidanka Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) ayaa shaaca ka qaaday inay isbedel ku sameeyeen nidaamkii iyo qaabka helitaanka Fiisaha dal-ku-galka Jamhuuriyadda Somaliland ee ajaanibka imanaya dalku u raacayaan.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Taliyaha Waaxda Socdaalka, ee Wasaarada Arrimaha Gudaha oo soo baxday 10 bishan, nuqul ka mid ahna soo gaadhay xarunta Wargeyska Dawan, ayaa lagu yidhi, sidan “Iyada oo la jaanqaadaysa qorshaha horumarka Qaran xukuumada iyo guud ahaan dedaalada lagu dhiirigelinayo helitaanka maalgashi toos ah iyo dalxiiska, Wasaarada Arrimaha Gudaha oo tixgelin siinaysa ilaalinta ammaanka dalka, waxay hirgelinaysaa nidaamkan wax ka bedelka, oo la jaanqaadaya nidaamka iyo xeerarka caalamka ee Waaxda Socdaalka Somaliland.”

Nidaamka cusub ee waaxda Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland soo saareen ayaa lagu sheegay in dhamaan dadka soo hoosgelaya qeybta A, imaatinkooda ay madaarada dalka ka heli doonaan fiisaha dal-ku-galka, waxaanay kala yihiin,

Dadka sita baasaboorka dublamaasiyadeed, baasaboorka UN-ka, Baasaboorada shaqada qaran, shaqsiyaadka ka socda Urur-goboleedyada, sida Midowga Yurub, Midowga Afrika, Baanka Aduunka, hay’ada gargaarka Maraykanka, Urur-goboleedka IGAD. Dhamaan ururada Caalamiga ee ka diiwaangashan Wasaarada Qorsheynta, xubnaha saraakiisha dawladaha caalamka ee xukuumada Somaliland martiqaaday, maalgashedayaasha ganacsiga ee wasaarada ganacsigu martiqaaday iyo Muwaadiniinta Soomaalida ee sita baasaboor ajaanib ah. Sidoo kale muwaadiniinta wadamadan hoos ku qoran ayaa fiisaha ku heli doona imaatinkooda madaarka,

Wadamadda Yurub, Canada, Maraykanka, Brazil, Shiinaha, Ruushka, Turkiga, Masar, Koonfur Afrika, Moroco, Tuunisiya, Wadamada Khaliijka, sida Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain, Qatar, Oman, iyo Kuwait, iyo wadamada IGAD, Itoobiya, Jabuuti, Eritrea, Kenya, Sudan, South Sudan iyo Uganda.

Sidoo kale, qoraalkan ayaa lagu sheegay in dhamaan muwaainiinta wadamada kale, ee fiise la xidhiidha, ganacsi, dalxiis, caafimaad, waxbarasho, transit (ku-sii-hakasho) u baahan waa inay ka soo dalbadaan imaatinkooda ka hor xarunta Waaxda Socdaalka, iyagoo u soo maraya wakiiladooda, ama xafiisyada dublamaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay caalamka, sida (London, UAE, Addis Ababa, Djibouti, IWM.), sidoo kale fiisaha ayey ku heli karaan mareegta Waaxda Socdaalkawww.slimmigration.com.

Qoraalkan oo lagu socdsiiyey dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka, xafiisyada xuduudaha dalka, xafiisyada dublamaasiyadeed ee caalamka, wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibeda, Qorsheynta Qaranka, Duulista iyo Madaarada iyo Ganacsiga, ayaa lagu sheegay inuu bedelayo wareegto hore loo dhaqangeliyey oo soo baxday 02 May, 2017.

Exit mobile version