Waa Kuwee Masuuliyiinta Loo haysto Eedaha Musuqmaasuq ee Sababta u ahaa isku Shaandhaynta Madaxweyne Biixi.

Hargeisa(GNN):-Shacabka Somaliland Ayaa Si weyn usoo dhaweeyey isku shaandhaynta uu madaxweyne biixi ku sameeyo xubno kamida golaha wasiiradiisa.

Waxaana isku shaandhaynta madaxweyne biixi soo dedejiyey eedaha musuqmaasuq ee loo haysto xubno kamida masuuliyiinta oo ku takrifalay xoolahii qaranka

Waxaana Talaabada madaxweyne biixi laga filayey oo ahayd inuu ka Qaado xilalka ay bulshada u hayaan masuuliyinta lagu soo eedeeyey arrimaha musuqmaasuq ayaa rajo weyn ku abuurtay bulshada kadib markii madaxweynuhu waajibkiisa ka gutay, kana qaaday maanta masuuliyiin kala duwan oo laga dhursugayey

Waa Kuwee Masuuliyiinta Loo haysto Eedaha Musuqmaasuq.

Masuuliyiinta loo Haysto eedaha musuqmaasuq ee madaxweynuhu maanta xasaanada ka xayuubiyey ayaa kala ah

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta

1-Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo)

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Qaranka

2-Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle

3-Maxamed Muuse Abees
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga

4-Jamaal Cabdilaahi Muxumed

Agaasimhii Guud ee Wasaarada Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka

5-Cismaan Xuseen Warsame

Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada Warfaafinta 

6-Xassan Maxamed Muxumed.

Masuuliyiinta Ayaa aha kuwo Baadhiso kala duwan oo uu sameeyey xafiiska hantidhawrka qaranka somaliland lagu helay falal muujinaya arrimo musuqmaasuq oo la xidhiidh hab-maamul khaldan oo ay ku sameeyeen xilalkii ay bulshada u hayeen.

Hargeisa Somaliland

Gabiley news Network

Exit mobile version