War Deg Dega Daawo Saxafi Ka Hawlgala Gobolka Gabiley Oo Mid Ka Mida Ilaalada Maayerka Gabiley Uu Baaskoolad Ku Qabtay Iyo Dareenka Ka Dhashay

Gabiley(GNN)Baryahan Danbe Waxa Isasoo Taraya Tacadiga Iyo Dulmiga Joogtada Ah Ee Maayerka Magaalada Gabiley Uu Ku Hayo Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Ka Hawlgasha Gobolka Gabiley.Guriga Martida Ee Magaalada Gabiley Saaka Waxa Ka Soconayay Shir Ay Iskugu Yimaadeen Maayerada Dalka. Hadaba Warbaahinta Madaxa Banaan Gabi Ahaanba Waa Loo Diiday SHirkaasi.Wariye Maxamed Cabdi Cumer Oo Ka Hawlgala Telifishanka SBC Ayaa Saaka La Kulmay Tacadi Uu Gaystay Mid Ka Mida Ilaalada Maayerka Gabiley  Kaasi Oo Baaskoolad Ku Qabtay Saxafiga Oo Ku Guda Jira Hawlihiisa Shaqo.Arintaasi Ayaa Noqonasa Dulmi Iyo Hagardaamo Loo gaystay Sumcada Saxaafada Ee Dastuurku Damaanad Qaaday. Xildhibaan Iiid Xasan Cabdi Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Ayaa Sido Kale Loo DIiday In Uu Gudaha Ugalo Goobta Uu Kulan Ka Socday, Xaga Ay Joogeen Xildhibaano Kale Oo Ka Tirsan Golaaasha Deegaanka Degmooyinka Dalka.Maayerka Magaalada Gabiley Ayaa Caan Ku Noqday In Uu Warbaahinta U Adeegsado Awoodo Isagoo Isticmaalaya Shaadhka Dawlada Wuxuna Ku Takri Falayaa Sharciga Iyo Dastuurka, Waxayna Gaadhay Heer Saxaafadii Loo Isticmaalo Baaskoolado Iyo Caga Jugleyn La Doonayo In Lagu  Barxiyo Wariyayasha Si Ay Uga Baaqdaan Soo Jeedinta Iyo Soo Tabinta  Musuqmaasuqa Dul Sabaynaya Maayerka Magaalada Gabiley  Oo Ay Hore Tiro  Xildhibaano Maxkamada Gobol Degmo Ee Gabiley  Ugu Khashifeen In Maayerka Magaalada Gabiley  Uu Cuney Oo Uu Lunsaday Bajadkii Loogu Talagalay La Tacaalida Geedka Garanwaaga.Xildhibaan Iiid Xasan Cabdi Ayaa Ka Hadlay Arintan Wuxuna Ku Tilmaamay Mid Ka Hor Imanasa Dastuurka Somaliland .Wariye Maxamed Cabdi Cumer Oo Ahaa Wariyaha Baaskoolada Lagu Qabtay Iyo Qaar Ka Tirsan Wariyaasha Madaxa Banaan Ayaa Arintan Siweyn Uga Gilgilashay Iyago Maayerka Gabiley Ku Eedeeyay In Uu Doonayo In La Hakiyo Musuqmaasuqa Uu Caanka Ku Noqday Mayerka Degmada Gabiley.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Si Kastaba Ha Ahaatee Maayerka Magalada Gabiley Ayaa Noqonaya Masuulkii  Ugu Tacadiga Badnaa  Ee Dulmi Iyo Hagardaamo  Ugeysta Suxufiyiinta Madaxa Banaan Ee Hawlgala Gobolka Gabiley Isago Doonaya In La Hakiyo Musuqmaasuqa Ragaadiyay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley In Bulshad Loo Soo Bandhigo.Waxana Soo Noqnoqda Is Hortaaga Maayerka Gabiley Ku Sameynayo Saxaafada Iyadoo  Dastuurka Somaliland Uu Saxaafada Udamaanad Qaadayo In Meelkasta Oo Warka jiro Ay War Ka Doontaan Marka Laga Reebo Xeryaha Ciidamada Oo Ay Ogolaansho Kaga Soo Warami Karaan.Arintan Ayaa Waxay U Eegtahay In Sharcigii Iyo Kala Danbayntii Lagu Tuntay Lana Baalmaray Shuruucdii Uu Saxaafada Ubaneeyay Dastuurku.Magaalada Gabiley Waxa Wax CCaadiya Ka Noqday Caadiska Lagu Hayo Warbaahinta Iyo In Laga Sii Baxayo Dimuqraadiyadii Qaranka Lagu Hagaaminayay.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET