Wasiir Ku Xigeen Ku Dhintay Qaraxyadii Muqdisho

Muqdisho(GNN):-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday dhismo ay ku yaallaan labo ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo tan Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa lasoo sheegaya in qaraxyada lala beegsaday.

Wali faahfaahin dheeraad ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas balse waxaa la xaqiijiyey geerida Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda shaqada Xildhibaan, Saqar Ibrahim.

Ururka Alshabaab ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadeen weerarkaas.