“Waxa La Jabsaday Facebook-gaygii, Iyadoo La iigu Soo Hal-qabsaday Waxaad Taageertaa Madaxweyne Muuse Biixi”. Sahra-Halgan

Fannaanadda Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-halgan) ayaa ka hadashay bog ay ku lahayd Shabakadda Facebook oo inta la jabsaday lagala wareegay.

Bogga ay Facebook ku lahayd Sahra-halgan ayaa la jabsaday, waxaana lagu baahiyey qoraallo aan looga baran Fannaanadda, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen inay taageersan tahay kornayl Caarre oo dhawaan ka goostay Ciidammada isla-markaana fadhiisin ka samaystay degmada Qardho ee Maamul-gobolleedka Puntland.

Sahra-halgan ayaa sheegtay in aanay ka suurtoobin inay taageerto Kornayl Caarre oo ka soo horjeeda Dawladda Somaliland, laakiin Cidda hadallada noocaas ah ku qoraysaa Facebook-geedu yihiin Cidda jabsatay.

Sahra oo Maanta  Shir-jaraa’id ku qabatay Hargeysa, ayaa iyadoo arrimahaa ka hadlaysa tidhi “Waxa la jabsaday Facebook-gaygii, iyadoo la iigu soo hal-qabsaday waxaad taageertaa Madaxweyne Muuse, laakiin Anigu fikirkayga xor baan u ahay Ciddaan taageerayo, waayo? Shalayba waxaan taageerayaye Guddoomiye Cirro, markaan haddaan Maanta Muuse taageeray macnaheedu maaha inaan Qabyaaladayste ahay.”

Fanaannaddu waxay sheegtay inay neceb tahay Cid kasta oo ka soo horjeedda Somaliland “Dadka intay Facebook-gayga jabiyeen soo dhigay Caarre, waxaan leeyahay Anigu Qofkii Somaliland neceb waan necebahay..” ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay oo ay farriin u dirat Dadka jabsaday Facebook-geeda “Waxaan idinka sugayaa inaad ii soo celisaan Facebook-gayga..”

Sahra-halgan ayaa ka mid ahayd Jabhaddii SNM ee dagaalka la gashay Dawladdii Milletariga ahayd ee uu hoggaamin jiray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.