Cunto xumada oo la ogaaday in ay tahay dillaaga ugu weyn

Hargeisa(GNN):-Sannad kasta cuntada aan cunno ee aan dheelitirnayn ayaa la sheegay in u dhintaan 11 milyan ka hor sida lagu sheegay daraasad cusub oo soo baxday.

Daraasadan ay samaysay xarunta Lancet ee sumcadda badan, ayaa lagu sheegay in cuntada ay ka halis badantahay sigaarka xitaa oo loo malaynayay in uu yahay dilaaga ugu weyn.

Waxyaabaha farta lagu fiiqay ayaa waxaa ka mid ah cusbada,, haddii rooti lagu cuno ama suugo ama cuntooyinka lagu kariyo – waxay waxyeelo u geysanaysaa qofka caafimaad ahaan haddii aanan laga taxadarin.

Cilmi baarayaashu waxay yiraahdaan daraasadani ma ahan mid ku saabsan cayilka, laakiin “tayada liidata” ee cuntada ayaa waxyeelaysa wadnaha waxayna keeni kartaa kansarka.Haddaba cunto nooce ah ayaa ii wanaagsan aniga?

Dhibaatada caalamiga ah ee daraasada cudurada ayaa ah tan ugu weyn ee samaysay qiimeynta ugu sareysa ee sida ay dadku ugu dhimanayaan waddan kasta oo adduunka ah.

Taxliilintii ugu danbeesay ee la isticmaalay si loo qiyaaso waddamada iyo caadooyinkooda cunto iyo in la ogaada sida habkooda cuntada uu geerida dagdaga ah u sababo.

Cuntooyinka halista leh ayaa ahaa cuntooyinka ay ku jiraan:

1.Cusbada saa’idka ah – saddax milyan oo qof ayay dishay

2.Cuntada ay ku yaryihiin Miraha la cuno – saddax milyan oo qof ayay dishay

3.Cuntada ay ku yar tahay khudaarta la cuno ah – labo milyan oo geeri ah

In aad u hooseeysa oo ah lawska, miraha, khudaarta, maaddada omega-3 oo cunooyinka badda laga helo ayaa ah kuwa kale ee sababi kara xaalada dhimashada

“Waxaan ogaanay in cuntadu ay tahay waxa ugu horeeya ee aduunka caamifaadka saamaynta ku leh, dhab ahaantii waa mid aad u qoto dheer”, ayuu yiri agaasimaha machadka qiimaynta caafimadka ee jaamacadda Washington.

Cusbada ayaa aad loogu daraa kalluunka iyo baradhada shiilanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCusbada ayaa aad loogu daraa kalluunka iyo baradhada shiilan

Sidee arrintani u sababi kartaa geeri?

Ku dhawaad 10 milyan oo kamida 11 kii milyan ee aan hore usoo sheegnay ayaa u geeridoodu sababo la xiriira xanuunada ku dhaca habdhiska dhiig mareen ka(wadnaha iyo xididada dhiigga), taasina waxay cadaynaysaa sababta ay cusbadu u tahay dhibaato aad u wayn

Cusbada badan waxay kor u qaada cadaadiska dhiiga taasi waxay kor u qaadaysaa khatarta ka dhalan karta inuu wadnaha istaago ama shalal kugu dhaco.

sidoo kale cusbada ayaa saamayn toos ah ku yeelan karta wadnaha iyo xididdada dhiigda sida, iyadoo sababaysa inuu wadnaha istaago marka ay xubinta wadnaha si fiican u shaqayn wayso.

Miraha, khudaarta lacuna iyo mida la kariyo ayaa iyagu saamayn taas ka duwan leh oo waxaa loo yaqaan”cardioprotective” ama ‘ difaaca wadnaha’ waxayna hoos u dhigaan khatarta ka imaan karta wadnaha.

Kansar iyo xanuunka sokorta ayaa iyaguna waxay sababaan dhibaatooyinka kale ee la xariira dhimasha.

Looska waa mid aad muhiim u ahLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionLooska waa mid aad muhiim u ah

Ilaa intee in la eg ayay cunada dunida ay wanaagsan tahay?

Ma jiro waddan ay cuntadiiso wada wanaagsan tahay waddan kasta meelaha qaar ayuu ku fiican yahay, laakiiin illaa intee la’eg ayuu aduunka cuntadiisu hagaagsan tahay.

Looska iyo miraha?

Cuntooyinka caafimaadka u wanaagsan ee dunida ku yar waa looska iyo miraha , sida ku cad cilmi baarista.

Cuntooyinkaan waxay badbaadin karaan ku dhawaad 10 milyan oo qof.

Maxaan ooga faa’iidaysan waynay?

Prof Nita Forouhi, oo jaamacadda Cambridge ka tirsan ayaa tiri ” waxaa laga aaminay inay yihiin cuntooyin yar oo ay ku badan yihiin duxda iyo tamarta, laakiin waxaa ka buuxda dux caafimadka u wanaagsan”.

“Dadka qaarna uma arkaan inay yihiin cuntooyin muhiim ah mida labaad na waa qaali qiimahoodu”.

Waxaan moodayne in sokorta iyo hilibka ay caafimaadka u daran yihiin?

Sannadadii danbe waxaa aad loo hadal hahay in sokorta cayilka ay keento hilibka gudduudana uu keeno kansarka.

“Dhibaatooyin way keeni karaan sokorta iyo hilibka laakiin waxaa ka daran hadii aan khudaarta, miraha, cuntooyinka aan la buunsho bixin, iyo waxii lamida aan si fiican loo qaadan”. Sida waxa yiri Prof Murray.

Cilmi baarayaashu waa xiligii ay dadka ku dhiirigalin lahaayeen in ay kor u qaadan isticmaalka cuntooyinka caafimaaadka u fiican halkii ay ka digi la haayeen cuntooyinka xun.

Ma jiraan waddamo ay cuntooyimkoodu fiican yihiin?

Dalalka ay ku jiraan Fransiiska, Spain, iyo Israel , ayaa leh tirada ugu yar ee dadka geeridoodu la xariirto cuntada dunida oo dhan .

Waddamada ku yaalla Koonfur Bari, Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya ayaa ayaa iyaguna ah waddamada ugu badan ee geeridoodu la xariirto cuno xummi.

Jabaanka iyo Shiinaha ayaa iyaguna si aad ah ugu dadaalaya inay wax ka badalaan isticmaalka cusbada oo ay iska yareeyaan.

Shiinnaha ayaa aad u isticmaala cusbada waxayna aad oogu cunaan cuntooyinkooda sida Soya oo ah cuntada loogu isticmaalka badan yahay waxaana aad loogu daraa cusbada.

Sidoo kale dhimasha ugu badan ee Shiinaha waxaa sababa cusbada oo dadka aad ayay caafimaadkooda u waxyeeleesay.

Prof Murray ayaa tiri ” Jabaan waa waddan aad cajiib u ah 30-40 sano kahor waxay ahaayeen sida shiinaha oo kale waxayna aad u isticmaali jireen cusbada , laakiin hadda way iska yareeyeen. Wali waa dhibaatada ugu badan ay wajahaan laakiin sidii ay ahaan jirtay hada maahan oo hadda hoos ayay u dhacday.

Sidoo kale waxay isticmaalaan cuntooyin aad u fiican oo xanuunada wadnaha ka ilaaliya sida khudaarta la cuno iyo mida la kariyo.

Waa side xaalka UK?

UK waxay ku xigtaa waddamada sida Faransiiska. Danmark iyo Biljimka.

Dhibaatada ugu wayn ayaa ah inay ku yartahay cuntooyinka aan la buunsho bixin sida qamadiga iyo cuntooyinka kale ee sida khudaarta, miraha iyo Looska.

Cilmi baariska ayaa sheegtay in 14% geerida UK ay la xariirto cunno xummi .

Wax talo ah?

“Tayada cunta aad cunayso waa muhiin markasta iyadoon loo fiirinaynin miisaankada”. Prof Murray ayaa sidaa tiri.

Arrinta ugu mihiimsan waa in lagu dedaalo in la cuno khudaarta, miraha , cuntooyinka aan la buunsho baxin iyo looska, la iskana yareeyo isticmaalka cusbada.

Laakiin lacagta ayaa iyaduna mushkilas kale ah:

Qiyaas ahaan hadii aaad maalinkii shan waqti aad cunto khudaar awaxaad isticmaashay 52% qarashkii ku bixi lahaa guruga oo dhan cuntadiisa

Cuntooyinka raqiiska ah ee dhadhanka wanaagsan ayaa markasta caafimaadka u xun.