Dad Ku dhow Toban Qof oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho.

Muqdisho(GNN):-Ku dhawaad 10 qof ayaa maanta ku geeriyooday Isku dhacyo iyo Banaanbaxyo maanta dhacay Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa saaka labo ruux ku toogtay isgoyska Howlwadaag, labaddaasi ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Wadde Mooto Bajaajle.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen Banaanbaxyadii looga soo horjeeday dilka loo geystay Waddaha Mooto Bajaajka, waxaana dadka careysan ay wadooyinka ku gubeen Taahiro.

Saddex ruux oo kale ayaa ku dhimatay iska horimaad Ciidanka Booliska iyo Milatariga Soomaaliya ku dhexmaray Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Warta Nabada, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen Shacab.

Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle.