Dalalka Somaliland Taageera Oo Madaxweyne Biixi Ku Adkeeyey Qabashada Doorashada Wakiillada

Hargeysa (GNN):- Bishan  hadda sii dhammaanaysa iyo bishii hore ee Maaraj, waxa Madaxweyne Biixi uu qarsiga Madaxtooyadda ku qaabilay wufuud kala duwan oo ka socotay dalalka Somaliland ka taageera dhanka dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka , waxaanay inta badan ujeeda socdaalkoodu uu ahaa mid la xidhiidha qadiyada doorashada golaha Wakiilada iyo sidii ay ugu qabsoomi lahayd wakhtigeedii iyo inta badan.

Madaxweyne Biixi ayaa bishii Maraj 4-dii xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee ra’iisal wasaaraha jarmalka u qaabilsan dalalka afrika, ambassador gunter noote ,waxaanay ka wada haddleen arrimo badan oo ay ugu mihiimsantahay arrinta doorashada Golaha Wakiilada inay ku qabsoonto wakhtigeedii, taasi oo uu Madaxweyne Biixi balan qaaday inay ku dhacayso wakhtigeedaas loo mudeeyey.

Dhanka kale Apr 2, 2019 ayey ahayd markii ay dalka soo gaadheen wefti culus oo ka socoday Midowga Yurub, kuwaas oo ka koobnaa 18 Xubnood, waxaanay weftigan isla maalintaasi kulan la yeesheen Madaxweyne Biixi iyagoo kala hadlay ujeedii ay u socdeen oo ahayd in aan doorashada Golaha Wakiilada dib uga dhicin wakhtigii loo asteeyey ee sanadka dabayaaqadiisa iyo sidii caqabadaha ka horeeyey ay Xukuumada u xalin lahayd, haddii ay tahay xeer iyo muranka axsaabta Qaranka eeu dhaxeeya ee dhanka Komishanka

Ambassador matte Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark  oo kamid ahayd weftigaasi oo war-baahita la haddashay ayaa sheegtay inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda.

Geesta kalene Madaxweyne Biixi ayaa  bishan April 12, 2019 xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, kaasii isna ay Madaxtooyaddu sheegtay inay ugu waa weynayaan arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ambassador Donald Yamamoto dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Shirkii khamistii todobaadii hore ayey golaha Wasiiradda Somaliland kaga hadleen caqabadaha hortaagan inay doorashadaasi ku qabsoonto wakhtigeeda, “Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.

Gunaanadkii Madaxweyne Biixi walow uu u balan-qaaday Beesha Caalamka inay Xukuumaddiisu ka go’antahay inay doorashadaasi ku qabtaan wakhtigeeda haddana waxa muuqata qayb-yo badan, iyadoo aan weli laga heshiin saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, isla markaana ay muuqato qayb-yo badan, taasi oo aan suurtagal noqon karayn inay marnaba ku dhammaato madaamo mudadii doorshada ay ka hadhay lix bilood oo keliya

Source:- Waabari