Erdogan: Doorasha Kasta Waxay Leedahay Fursad Iyo Imtixan Labadaba

Madaxweynaha Turkiga Racip Tayip Erdogan ayaa sheegay xisbiga talada turkiga haya ee AKP inuu ku guuleystay doorashadi dowladaha hoose ee bishi hore ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay isu soo bax magaalada Ankara ka dhacay oo ay isugu yimaaddeen taageerayaasha xisbiga AKP ayaa sheegay “Doorasha kasta iney leedahay Imtixaan iyo Fursad loona baahan yahay in halgn adag loo galo.”

“Doorashadi 31-ka maarso ka dhacday dalka Turkiga ee dowladaha hoose si weyn ayaan ugu guuleysannay” ayuu yidhi

Wuxuuna Mr Erdogan intaa ku daray inuu xisbigisa uu doorashada ka helay 44.4% cod taasoo ka dhigan codadki ugu badnaa ee uu xisbiga AKP ka helo doorashada dowladaha hoose.

Hase yeeshee doorashada ka dhacday magaalada Istaanbuul su’aal ayaa ka taagan, hase yeeshee “si ay shacabku u niyad jabin wixi shaki ah ee jira waa in la tirtiraa” ayuu yidhi

Malaayiin cod bixiyeyaal oo dalkaasi Turkiga ku nool ayaa doorashadi dowladaha hoose ee dalkaasi ka dhacday 31-ka Maarso ku doortay maayarrada magaalooyinka, xubnaha golahayaasha hoose, iyo mas’uuliyiin kale oo ay shacabka codkooda ku soo doortaan.

GABILEY.NET