Ganacsato Is-xilqaantay Oo Bilaabay Dedaalo Ku Saabsan Arrinta Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

Hargeysa(Gnet)-Qaar ka mid ah ganacstada Somaliland ayaa bilaabay dedaalo ay ku dejinayaan xiisada ka dhalatay arrinta Ganacsade Axmed Cismaan Geele.

Ganacsatadan oo iskood isu xilqaamay ayaa waxa ay kulamo kala duwan la
yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Ganacsade Axmed Cismaan
Geele. Sida ay sheegayaan warar soo baxay ganacsatada ayaa waxa ay
kulankoodii koowaad Axadii la yeesheen Madaxweyne Muuse iyagoo kala
hadlay in marka hore la dejiyo xiisadda ka dhalatay hadaladii ay
Madaxtooyada iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geele warbaahinta isu
mariyeen.

Waxa kale oo uu warku sheegay inay ganacsatadu Madaxweyne Biixi ka
dhagaystay warbixin ku saabsan arrinta ganacsade Axmed Cismaan Geele
iyo sida uu u arko in xal lagu gaadhi karo, waxaanay kulankaas ka dib
ganacsatadu kulan la yeesheen Ganacsade Axmed Cismaan Geele oo ay isna
dhinaciisa waraysteen.

Waxa kale oo uu warku sheegay in Madaxweyne Biixi iyo ganacsade Axmed
Cismaan Geele ay ganacstada siiyeen ogolaansho ah in ganacsatadu ka
hawlgasho sidii xiisadda loo dejin lahaa loona xalin lahaa arrimaha
kale.

Xiisad ayaa ka dhalatay ka dib markii ay madaxtooyada Somaliland
ganacsade Axmed Cismaan Geele ku eedaysay inuu Hargeysa kula soo
dhuuntay lacag ay sheegeen inuu ka soo dhacay Bangi ku yaala Djibouti,
iyadoo uu Ganacsade Axmed Cismaan Geele isna dhinaciisa iska difaacay
eeddaas islamarkaana sheegay inaanu jirin lacag uu bangi ka soo dhacay
ee isaga ay dawladda Djibouti ka dhacday 128 Milyan oo dollar.

Si kastaba ha ahaate, dedaaladan ay ganacsatadu bilaabeen ayaa dejiyay
xiisada oo maalmihii la soo dhaafay aad u kacsanayd, waxaana la
filayaa in ganacsatadu go’aan iyo xal kama dambays ah ka gaadhaan
arrintan.