DAAWO Gudida Doorashooyinka Iyo Laba Xisbi ee Kulmiye iyo UCID Oo Maanta Kulmay + [ Sawiro ]

Hargeysa (GNN):- Gudida Doorashooyinka qaranka somaliland ayaa Maanta Xafiiskooda Kulan Albaabadu U Xidhnayeen Kula qaatay xisbiyadda kulmiye iyo ucid kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo dardar galin lahaa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd

Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday Go’aankii ay shalay wadda gadheen xisbiyadda ucid iyo kulmiye sida ay labadaasi xisbi oo kaliya doorasho ku gali karaan madaama oo xisbigii waddani isagu taagan yahay go’aan adag oo ah in la kala diro gudida doorashooyinka ee wakhtigan.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Xisbiyadda ucid iyo kulmiye ayaa loo balamay in kulan dambe ay iskugu yimadaan gudida doorashooyinka waxaana uu kulankani ku soo dhamaaday mid aan rajo fiican laga qaban sida ay doorasho dalka uga qabsoomi karto madaama oo lioo baahan yahay saddexda xisbi doorashadda wada galaan.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani oo ah xisbi balaadhan oo Tageerayaal Badana Leh ayaa isagu maanta cadeeyay inaanay jirin laba xisbi oo kaligood doorasho qabsan karaa waxaana uu mid lagu xumaado ku tilmaamay dhawaaqa xisbiyadda ucid iyo kulmiye ka soo yeedhay.

Hadaba shacabka somaliland oo iyagu ka daalay khilaafyadda u dhaxeeya xisbiyadda ayaa sugaya sida uu xaalku noqdo waxaana laga dhul sugayaa sida uu xaalku noqdo.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

GABILEY.NET