“ Ha Ku Durduriyo Nuux Ismaaciil Ee Bal Yaan Arab Isaaq Uun Lagu Darin Waa Baaruudda Dhegaha Fudude “ Muj Cali Guray

Hargeysa (GNN):- Muj Cali Guray ayaa waxaa uu ka Hadley isla markaana uu aragtidiisa ka dhiibtey qaabka  ay ciidamada Boolisku ula dhaqameed dadkii laga raraayey madaxtooyada cusub ee Somaliland oo ay is faro saareen ciidanka Booliska iyo dad weyne shicib ah

Muj Cali Guray Oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook  ayaa yidhi

“ Maan diidin dhulka ay Madaxtooyadu la wareegtay laakiin waxan diiday fadeexaddan. Way jirtay sidan si ka qurux badan oo sharciga waafaqsan oo loo mari karayay tanise waa bisin nin buruudlaa bi’iyay. Yeelkeed intii cid kale lagu durdurin lahaa ha ku durduriyo Nuux Ismaaciil ee bal yaan Arab Isaaq uun lagu darin waa baaruudda dhegaha fudude “