Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Waxay Isku Seegeen Madaxweyne Donald Trump

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka ayaa sheegtay inay in muddo ahba is-hayeen madaxweyne Donald Trump.

Waxa ay sheegtay inay arrintaasi salka ku hayso khilaafka Trump kala dhaxeeya Muslimiiinta, soo galootiga, haweenka iyo dadka madowga ah.

“Khilaafka aniga iyo madaxweynaha [Trump] wax cusub ma ahan, waxaan aaminsanahay in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka Muslimiinta ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka qaxootiga waddankan ku ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka madowga ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka dumarka ah.”

Ilhaan waxa ay sheegtay in iyada ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dadkaasi oo waxa ay tiri “aniga waxaan ahay qof dadkaas oo dhan wadamatalo, marka aniga iyo asaga inaan isku dhacno waa wax mar hore soo bilowday.”

Ilhaan oo xaafad ka mid ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee laga soo doorto kula kulantay qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegtay in halista amni ee ay wajahayso uu madaxweyne Trump ka dambeeyo.

“Halistaas waxaan u malaysanayaa in dadka badanaa ay dareemi karaan in sida madaxweynaha uu u hadlaayo inay keentay.” ayey tidhi.

“Dadka hadda xabsiga daraadey ugu jira oo rabay inay aniga I dilaan kuligood waxay dhaheen madaxweynaha ayaan taageersannahay oo madaxweynaha magaciisa ayaan rabnaa inaan Ilhaan ku dilno.”

GABILEY.NET

Exit mobile version