Isaga oo aan weli Cadaalad helin ayaa uu Geeriyooday,

“Ismaan lahayn Somalilandta aan jeclahay Dulmi intaa Le’eg ayaa ka jira”

( 20 Sanadood ayuu Raganimadiisii (Hamaddiisii/Dareenkiisii) ku waayay Shaqo uu ku Sumoobay)

Garyaqaan Maxamed Xassan Siciid Salli-dhige isagoo oo Dhalinyaro ah oo markaasi guursaday oo Aroos Cusub ah ayuu ka soo degey Markab uu Rinjiyaynayay Sanadkii 1999-kii(Shaqasiisa ayaaa ahayd Rinjiyaynta Maraakiibta) si uu buuxiyo shaqo banaanayd oo ahayd Rinjiyaynta Haamaha Shidaalka ee Berbera oo ay Mashruuc ku qaadatay shirkad Lubaan laga leeyahay,

Markii uu Maxamed Shaqadii Rinjiga galay isaga iyo laba saaxiibadiis ahi waxaa loo sheegay in ay u dhaadhacaan gudaha Haamaha shidaalka berbera si ay u soo rinjiyeeyaan, lkn waxa uu ahaa Dabin noloshiisii baabiiyay,

Waxaa loo dhiibay rinji ma uusan ahayn waxa uu ahaa Kimiko khatar ah oo loogu talo-galay in aanay haamuhu daxalaysan oo Lubaaniniyiintii iyo shirkadda total iyagu ka baqdeen in ay ku waxyeeloobaan, markii ay marayeen Haantii labaadna ku jireen ayaa suntii jidhkooda ku saaqday waxaana la dhigay dhakhtarka weyn ee Magaalada Berbera waxayna suntii u Geysatay Khasaare Noloshoodii baabiiyay, dhakhaatiirtii waxa ay sheegeen in ay sumoobeen Jidhkoodu gubtay suntuna Dhiigga raacday, Maxamed Waxa soo gaadhay khasaare ahaa in uu Raganimadiisii ku waayo oo suntii ka dishay dareenka iyo Hamadda Caruuskii Cusbaana sidaas ayuu ku noqday noole jidhkiisa qayb muhiim u ahi ka dhimatay,

Agaasimihii Guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Xubno Guddi dhakhaatiir ah oo loo xilsaaray xaaladiisa caafimaadna waxa ay ku dhawaaqeen natiijo naxdin gelisay waxayna ku wargeliyeen maxamed in uu isagu raganimadiisii waayay inta nolosha ka dhimana uu sidaa ku noolaan doono, Xaaskiisiina waa ay iskaga tagtay maadaama aanu waxba iyada dhaamin,

Maxamed Dacwad ayuu furtay uu dhib badan ka maray, wuxuu dacweeyay shirkaddii Total iyo Shirkaddii lubnaaniga ahayd ee shaqada u diratay Maxkamada Berbera ayuu tagay markii waaran loo jaray totalna waxaa hor istaagay Madaxweynihii dalka keenay ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal wuxuuna Badhasaabkii Saaxil ee Xiligaasi u sheegay in Madaxweynaha ay magan u tahay Total sidaasna waarankii lagu joojiyay,

Sheeko dheer ayaa dhex martay madaxweyne Cigaal iyo Maxamed, hadii se aan isku dayo in aan soo koobo si aanu qoraalku inoola dheeraan, maxamed markii loo sheegay in cigaal diiday waqtigaas oo ramadaan ahayd wuxuu ka war helay Salaadii ciidda meel uu ku tukanayo Madaxweynuhu, waa uu kula tukaday markii uu madaxweynuhu is yidhi qudbadee ayuu mijirifoonkii ku qabsaday askartii ayaa qoryo kula soo yaacday wuxuuna ku yidhi “madaxweyne ilaahay ayaan maanta hor taaganahay kaamana baqayo dacwad baan kuu qabaa fadlan iga soo gar bax, madaxweynuhu juuq ma odhan oo waa uu naxay, kedib laba wasiir oo midi Cali Warancadde ahaa ayaa kexeeyay maxamed una sheegay in ay madaxweynaha u geynayaan, Kedib Madaxtooyadii ayuu tagay waase loo diiday in uu galo, waa uu ka hor mudaharaaday, waana la xidhay, maalmo kedib waa la soo daayay,

Maxamed wax marba la xidho wasiirkii arimaha gudaha waqtigaas axmed jaambiir suldaan iyo wasiirkii ganacsiga rashiid gadhweyne wax ay celceliyaanba ugu danbayn waxay u ogolaadeen in uu dacwad kale ka furto maxkamada sare,

Maxkamada sare dhib badan oo uu ka maray kedib waxa shirkadii lagu yidhi kaalaya maxkamada waxayna qabsadeen qareen Rooble Maykal Maryama IHN ugu danbayn shirkadda total iyo tii mashruuca ka qaadatay ee Lubnaan laga lahaa waxaa lagu xukumay $500,000 oo mag dhow ah, markii maxkamadii fuli is tidhina waxaa digreeto uu leeyahay waxaan hakiyay xukunkaas oo sharci darro ah soo saaray madaxweyne cigaal, khilaaf isaga iyo Gudoomiyihii maxkamada sare oo arintan ku saabsan soo kala dhex galay kedib markii uu gudoomiyihii maxkamadii sare xayiray hantidiisii shirkadahaas waxa uu cigaal xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Sarre, sidaas ayuuna xaqiisii ku waayay,

Maxamed ma uusan nasan dhinaca warbaahinta ayuu ka weeraray cigaal, cigaalna wuxuu maalin ka soo jawaabay eedii dhibanahan wuxuuna sheegay in Total isaga marti u tahay sida uu Madaxweyne Cigaal Wargeiska Jamhuuriya u sheegay,

Arintii oo halkaa maraysa ayuu geeriyooday ina cigaal, maxamedna dacwadiisii ayuu sii watay, mar kale gudoomiyihii cusbaa ee maxkamada sare waxa uu amray in la fuliyo xukunkii hore lkn waxaa diiday Madaxweyne Riyaale oo xukunka ku cusbaa, Maxamed mudaharaado shakhsiya iyo sawiro ayuu samynayay Madaxtooyada ayuu la hortagayay marna maxkamada sare,

Arintii waxay gaadhay Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii waqtigaas, waa uu kaxeeyay Maxamed waxa uu geeyay Madaxtooyada lkn Madaxweyne Riyaale waa uu diiday in la fuliyo xukunkii ahaa 500,000 oo dollar oo magdhow ah in la siiyo ninkan Raganimadiisii ku waayay dhibta loo geystay,

Mar walba Gudoomiyaha yimaada maxkamada sare waxa uu kuxumayay Magdhowga lkn madaxda dalka oo total oo haamaha shidaalka haysay lacag ku qabay waa ay diidayeen,

Dhib badan ayaa maxamed loo geystay isaga oo dacwadii wada ayuu riyaale dhacay doorashadii 2010kii Siilaanyo ayaa yimi lkn waxba isma aysan bedelin Totalna waxaa dalka laga saaray iyada oon magdhawgii looga qaadin maxamed, markii Maxkamada sarre la keenay Aadan Xaaji Cali oo ay Maxamed isku hayb yihiina waxa uu maxamed dacwaddii ula tagay Aadan, waxa uu Maxamed u sheegay weriye Cabdiqani Dowlad oo horyaal ka tirsan in aadan ku yidhi aan Siilaanyo Lacag kaaga qaado dhulna aan berbera kaa siiyo, lkn maxamed waa uu diiday,

Ugu danbayn dacwaddii oo weli aan xal laga gaadhin iyo Maxamed oo aan xuquuqdiisii helin ayaa berbera u tagay dacwadan todobaadkii hore isagoo wata gaadhi saaxiibkii leeyahay, waxa uu seexanayay habeenkii Gidaarada magaalada berbera waxaana 18kii bishan barnaamij ka diyaariyay 2 saacadood ah Cabdiqani Xassan Cilmi Dowladd oo ka tirsan Telefishanka horyaal, intii aan barnaamijka la soo bandhigin ayuu maxamed u baxay shiikh shalay ayuuna ku geeriyooday shil gaadhi wadada shiikh iyo berbera u dhaxaysa, gaadhigii ayaa ku gubtay.

Ilaahay ha u naxariistee isaga oon weli xaqiisii helin 4 madaxweyne dulmi u geysatay kuna dayacan berbera oo gidaarada seexda, gablana ah oo aan waxba dhalin raganimadiisiina waayay ayuu geeriyooday, INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUUN

Arinta ugu Murugada badani waxa ay tahay, Taariikhda Maxamed Salli-dhige noloshiisa laga diyaariyay iyo dhimashadiisuba hal maalin oo shalay ah ayay soo wada bexeen

Ma jirto wax aynu u qaban karno, keliya aan u ducayno oo Dunida silac ayuu ku noolaa, Gablan ayuu kaga tagay Raganimo la’aan ayuu 20 sanno u silcayaye aan ilaahay uga barino in uu Janno ugu bedelo oo ifka ku silicye aakhiro ku raaxaysto,

Halkan Ka Daawo Barnaamij Lagu Waraystay Maalmo Uun Ka Hor Dhimashadiisa oo kagaga waramay dhacdadaasi.