Madaxda Xisbiga Waddani Oo Saaka Shir Deg Deg Ah Iskugu Yimid Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen + [ Sawiro ]

Hargeysa (GNN):- Madaxda xisbiga Waddani ayaa waxaa ay saaka shir deg deg ah iskugu yimadeen xarunta guud ee xisbigaasi  , waxaana shir gudoomiyaayey gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Shirkan  waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo ka tirsan mudanka Xisbiga.

Intii shirku socday waxa aad loogga dooday sida Xisbigu uu u muujinaayo kaalintiisii Mucaaradnimo, waxa kale oo hoosta laga xariiqay in Xisbigu aanu marna ka tanaasulayn mawqifkiisii Komishanka Doorashooyinka sida oo kale waxa ay xuseen inay war-war ka qabaan xaaladda dalku maraayo.

Xisbigu wuxu isla qaatay in si deg-dag ah uu shacabka ugu caddeeyo aragtidiisa ku aadan xaaladda uu galay dalku iyo dib u dhaca Doorashooyinka Somaliland.

GABILEY.NET

Exit mobile version